Shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha NATO oo ka furmay Washington

0
433

Washington (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka furmay shir-weynaha sannadlaha ah ee hogaamiyaha dalalka ku bahoobay Isbaheysiga NATO. Iyadoo shirka sannadkan lagu maamusayo 75-sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska NATO.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa shirka ka sheegay, in dunida ayna sugin ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November, si ay u qaaddo tallaabo ay uga hortagto duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Zelenskyy, ayaa taasi ka sheegay, furitaanka shir madaxeedka hoggaamiyaasha Gaashaan-buurta NATO oo shalay gelinki danbe ka furmay magaaladan Washington D.C, ee caasimadda Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine, ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku yidhi “waa inaan ka soo baxnaa hadhka si aan go’aanno adag aan u qaadanno isla markaana aynaan sugin bisha November ama bilo kale.

Wuxuu ku boorriyay madaxweynaha Mareykanka inaanu ka gorgortamin difaaca dimoqraadiyadda iyo difaaca madaxweyne Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Salaasadii shalay isna khudbad ka jeediyay furitaanka shir madaxeedka NATO, uu ku ballan qaaday, inuu si xoog leh uu Ukraine uga difaaci doono duullaanka Russhka.

Khudbadda Biden oo u muuqatay mid kulul, ayaa aheyd tii ugu horreysay ee uu masraxa caalamiga ah ka jeediyo, tan iyo wixi ka danbeeyay dooddii uu la galay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taas oo qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Dimoqraadiga ay ku dhalileen bandhiggiisii qaboobaa.

Taageerayaasha Dimoqraadiga, ayaa shaki geliyay awoodda jidheed iyo midda maskaxeed ee muddo xileedkiisa labaad haddiiba uu ku guuleysto doorashada.

Biden oo hadda ah 81 jir, ayaa ku adkeystay inuu diyaar u yahay hoggaaminta shacabka Mareykanka, mar kale.

Shir madaxeedka NATO ee furmay Salaasadii shalay, ayaa la soo gaba gabeyn doonaa 11-ka bishan July oo ku beegan Khamiista berrito ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here