Shir Lagu Soo Bandhigayay Maalgashiga DDS Itoobiya Oo La Soo Gebagabeeyay

0
514

Jigjiga (HP): Waxaa maanta deegaanka Dhagaxley ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo gebagabeeyay shir ku saabsanaa fursadaha maalgashi ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Shirkaasi oo markii hore ka furmay magaaladda jigjiga ayaa socday muddo laba maalmood ayaa noqonaya kii u horeeyay oo noociisa oo lagu qabto dawlad deegaanka Soomaalida.

Waxaana shirkaasi maalgashi si rasmi ah u furay  madaxweynaha Mustafe Cagjar, madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay ganacsato kala socday wadamadda deriska, sida Jabuuti, Somaliland Soomaaliya, Puntland, Kenya, iyo shirkado caalami ah oo ka socday South Africa, iyo Turkey.

Waxa kaloo goob joog ka ahaa shirkaasi komishanka dawlad deegaanka iyo ka federaalka ee maalgashiga, sida uu sheegay madaxa xafiiska maalgashiga iyo qurbe joogta ee DDS Itoobiya C/salaam Yuusuf, oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed shirkaasi laga soo saaray.

DAAWO: MADAXA XAFIISKA MAALGASHIGA DDS Oo WAR-MURTIYEEDKAASI AKHRIYAY:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here