Shir Hargeysa Uga Furmay Hay’addaha Garsoorka Somaliland iyo Dalalka Qaadhaan Bixiyeyaasha

0
680

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta furay shir ay iskugu yimaadeen Hay’addaha Dowladda ee ka wada shaqeeya Barnaamijyada Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga iyo Dalalka Qaadhaan-Bixiyayaasha ee Midowga Yurub iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay ee qaybta ka ah wejiga labaad ee mashruuca.

Shirkan, ayaa waxaa ka soo qayb galay, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud, Guddoomiyaha Guddiga Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil Buraale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Ismaaciil Saleebaan Maxamed (Bawkax), Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ibraahin Cali, Ku Xigeenka ahna ku simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Mire, Guddoomiyaha Ururka Qareennada (SOLLA) Xasan Cabdilaahi Cawaale iyo Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Shuruucda Maxamuud Xuseen Faarax.

Shirkan oo socon doona muddo shan cisho ah, ayaa lagu gorfeyn doonaa guulihii iyo caqabadihii ka dhashay wajigii hore oo muddo saddex sanno ah soo socday, waxaanay xeel-dheerayaasha ka kala socda hay’addaha kala duwan ee dawladda, Midowga Yurub iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP ay lafa-guri doonaan arrimaha gundhiga u ahaa guulihii laga gaadhay mashaariicdaa iyo hadday jiraan caqabado ka ratibmay sidii looga gudbay.

Waxaa kale oo lagu falaan-qayn doonaa qorshaha wajiga cusub ee Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga waxaana diiradda lagu saari doonaa sida wajiga cusub ee barnaamijku noqon doono, iyagoo qorsheyn doona khariiradda muddadaasi ay barnaamijyadu raaci doonaan.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo shirka ka hadlay, ayaa tibaaxay ahmiyada ay leedahay balaadhinta wada shaqaynta ha’addahan, waxaanu hoosta ka xarriiqay in mashaariicdan horumarineed ee Midowga Yurub ku maal-galiyo Somaliland ay muhiim u yihiin dhanka kobcinta iyo tayaynta hay’addaha ku taxaluqa sharciga iyo kala dambaynta.

Guddoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay sidii ka Qaran ahaan loo qaabaysan lahaa barnaamijyada ay Somaliland u baahanahan tahay in laga taageero, si loogu saleeyo baahiyaha, waxaanu uga mahad-celiyay hay’addaha dawladda ee sare ku xusan sida qiimaha leh ee ay u guteen waajibaadkii ka saarnaa ka midho dhallinta barnaamijyadan saldhiga u ah daboolida baahiyaha kala duwan ee ka jira bah-wadaagtan ay kulmiso barnaamijyada la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda, Xuquuqul Insaanka.

Ugu danbaynna waxa uu dalalka qaadhaan-bixiyayaasha u soo jeediyay in dalka Somaliland uu xaq-u-leeyahay helida taageeradda caalamiga, sida ay u helaan dalalka Somaliland dhiggeeda ahi.

Sidoo kale, Masuuliyiinta shirka ka hadlay, ayaa waxaay ku dheeraadeen ahmiyadda ay leedahay in muwaadiniinta Somaliland la qaabeeyaan qaadhaan-bixiyayaasha barnaamijyada dalku u baahan yahay, si ay iskula jaan-qaadaan qorshaha horumarinta Qaranka iyo Barnaamijyadan la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga.

Waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqeen, sida looga faa’iiday wajigii hore iyo meelaha wajigan cusub awoodda lagu saari doono. Gunnaanadkiina waxay u mahad-celiyeen dalalka Somaliland ka taageera dhanka horumarinta iyo hay’addaha caalamiga ah ee wada shaqaynta wanaagsan ka dhexayso.

Wejiga labaad ee shirkan iyo arrimaha awooda lagu saarayo, ayaa qorshahoodu ka soo bixi doonaa muddada shanta cisho ah ee uu u socon doono khubarada ka socda hay’addaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here