Sheekh Aadan Sunne oo Sheegay In Somaliland Lagu Faafiyo Diimo Shisheeye

0
2378

Muqdisho (Hargeisa Press) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne), ayaa sheegay in hay’addo shisheeye ay Somaliland ku faafiyaan diinta Masiixiga, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Sunne oo u waramay Warbaahinta Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegay in arrintan ay kamid ahayd waxyaabihii xukuumadda Somaliland iskaga horyimaadeen, gaar ahaan la-dagaalanka laba hay’addood oo reer galbeed ah oo deganaa Hargeysa iyo agagaarkeeda.

“Laba sannadood ayaanu dacwad ku jirnay, waxaanu soo bandhignay dhukumantiyadii iyo baybaladii ay faafinayeen iyo dadkii ay la kulmeen oo markhaati ah, anagu waanu u dhib mudanay. Markii maxkamada la i keenay waxa la yidhi wadaadkan waxa laga kari laayahay hay’addaha waddanka u jooga safamalka,” ayuu yidhi Aadan Sunne.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in hay’addaha faafiya diimaha shisheeye ay gacanta ku dhigeen nidaamka tacliinta Somaliland, oo ay qorshaynayaan in degmo kasta iyo gobol kasta oo kamid ah maamulkaasi ay ku lug yeeshaan, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Sunne oo ka qayb-galay shir ay lahaayeen culimada ugu waawayn kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay “in laga tashanayay gaalo uu sheegay inay Soomaaliya Masiixiyad ku faafinayaan iyo Soomaali soo dhawaysay oo iyaguna la xukun ah” sida uu sheegay.

Wadaadkan oo hore uga mid ahaa culimada Somaliland, dhowr jeerna lagu xidhay gudaha magaalada Hargeysa ayaa bishii March ee sanadkan si dhuumasho ah uga soo baxsaday Somaliland, isaga oo markaasi ku biiray kooxda Al-Shabaab ee iyadu laftigeedu huwan fikir diimeed oo guracan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here