Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa aas heer qaran ah loogu sameeyay allaah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ahaa culimada caanka ka ah Somaliland iyo guud ahaan gayiga Soomaalida.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), ayaa 13-kii bishan ku geeriyooday dalka Hindiya, isagoo u joogay xaalad caafimaad oo uu la daala dhacayay sannadihii u danbeeyay, isaga oo ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u tagay isla dalka Hindiya sannadihii u danbeeyay.
Aaska marxuum Sheekh Aadan Siiro, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, siyaasiyiin culimaa’uddiin, madax ka kala timid dalalka jaarka iyo kumannaan ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka marxuumka, bahda culimada iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey samofale weyn oo dunida korkeeda kaga tegay sunneyaal khayri ah oo bulshada manfacaya.
Allaah ha u naxariistee Sheekha Aadan Siiro, ayaa ahaa shakhsi lagu yaqaanay dal jacayl iyo caawinta dadka jilicsan, waxa kale oo lagu yaqaanay in uu si joogto ah u dhaliili jiray xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, isaga oo saluug ka qabay nidaamka cadaaladeed ee ay ku shaqaynayeen.