Hargeysa,(HargeisaPress) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada, Mudane Abdirashid Abdi Jama, ayaa maanta furay tababar ku saabsan Badbaadada iyo Amniga (Safety and Security) oo loo qabtay Shaqaalaha Qaybta Bad-baadada iyo Amniga ee Madaarka Cigaal, gaar ahaan Waaxda Gurmadka Degdegga ah (ARFF – Aircraft Rescue and Fire Fighting).
Tababarkan oo diiradda lagu saarayo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya dab-damiska, ayaa ah mid qayb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto tayeynta adeegyada badbaadada ee madaarrada dalka, si loo hubiyo in ay la jaanqaadaan heerarka caalamiga ah ee amniga duulista hawada.
Agaasimaha Guud ayaa ku dhiirrigeliyay hawl-wadeenada in ay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarkan, isagoo xusay in doorka ay ka qaataan sugidda badbaadada duulimaadyadu uu yahay mid tiir-dhexaad u ah shaqada Madaarka Cigaal ee Hargeysa.