Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu ka hadlay arrinta colaada magaalada Laascaanood, waxaanu baaq culus u diray shacabka reer Laascaanood.
Guddoomiye Saleebaan, ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka magaalada Laascaanood aanay Somaliland keensan ee loo soo waariday isagoo qabyaaladaysan.
Waxaanu guddoomiyuhu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in loo wada hoggaansamo xabbad-joojimihii Madaxweynaha Somaliland ku baaqay.
Shacabka reer Laascaanood, ayuu ugu baaqay in aanay u dhago nuglaan waxyaabaha ay Garaadada iyo Madax-dhaqameedka Laascaanood ku talinayaan oo aan dan u ahayn, islamarkaana nabadii Madaxweynaha Somaliland ku baaqay la wada qaato oo si tolnima ah lagu wado qaato.
Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu baaq culus u jeediyay guud ahaan shacabka reer Somaliland.
Waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay si mug leh ugu faro adaygaan gobonnimadooda, kana fogaadaan wax kasta oo qarannimada hagardaamo ku keeni kara.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibadda sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska oo xalay lagu qabtay madaxtooyada.