Saylici Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Ka Qalin Jebiyay Machadka Muslim College

0
347

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ka qayb-galay munaasibadda qalin-jebinta dufcadii 5aad ee arday ka aflaxday Machadka Muslim College ee magaalada Hargaysa.

Waxaana munaasibadaasi madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka waxbarashadda, wasiirka arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan xisbiyadda mucaaradka ah, maamulka sare iyo macalimiinta Machadka Muslim College, waalidiin, aqoon yahano, iyo marti sharaf kale.

Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa u hanbalyeeyay ardayda maanta ka qalin jebiyay machadka Muslim College, iyo waalidiindiinta ku soo tabcay ba.

Waxaanu maamulka machadkaasi ku bogaadiyay sida ay u soo saareen arday aqoon leh, taasoo uu ku tilmaamay in ay ka qayb qaadanayaan horumarka iyo dhismaha qaranimadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here