Saylac (Hargeisa Press)- Wasiirka waxbarahada Somaliland ayaa deegaamo ka tirsan goboladda Awdal iyo Selel ka dhagax dhigay dugsiyo waxbarasho oo laga hirgelin doono.
Wasiir Axmed Toorno, iyo wefti uu hogaaminayo oo muddooyinkanba safar shaqo ku marayay goboladda bareiga Somaliland ayaa maanta gaadhay goboladda Galbeedka.
Waxaanu dugsi hoose dhexe ka dhagax dhigay deegaanka Cali Waaci, oo ka tirsan gobolka Selel.
Sidoo kalena waxa uu dugsi hoose dhexe ka dhagax dhigay deegaanka Abbase, oo ka tirsan gobolka Awdal.
Wasiirka ayaa kormeerkiisa ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolada Selel iyo Awdal oo meelaha qaarkood aanay ka jirin ba wax dugsiyo ah.
Waxaana ka mid ahaa goobihii uu soo maray dugsiga hoyga ah ee deegaanka Cabdulqaadir, ee gobolka Selel.
Weftiga wasiirka waxbarashada ayaa intii ay ku guddo jireen kormeerka waxay kulamo la qaateen gudiyada waxbarashada, odayaasha iyo waxgaradka deegaamadii ay soo mareen.
Xog ururin ay wasaaradda waxbarashadda Somaliland goboladda dalka ku soo samaysay horaantii sanadkan waxay ku sheegtay in 690 goobood oo dalka ka mida aanay ka jirin goobo waxbarasho.
Kuwaasoo 100 ka mida ay wasaaradda waxbarashadu sanadkan ka hirgelisay dugsiyo waxbarasho.
Labadan dugsi ee uu maanta dhagax dhigay wasiirku ayaa la filayaa in nolosha bulshadda deegaamadaasi ay wax iska bedelaan marka la dhamaystiro.
Sida uu sheegay wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Toorno.