Sawirro: Suuqa Waaheen, Siduu Ahaan Jiray iyo Sida Maanta Uu Yahay

0
726

Hargeysa (Hargeisa Press) – Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa mar ahaa mid aad u camiran, lagana heli karo badeeco kasta oo uu qofka u baahanyahay, mid qiimo jaban iyo mid qiimo sareysa, mid tayo daran iyo mid tayo sareysa iyo nooc kasta oo alaab ah.

Waxa uunbay ku xidhnayd sida uu qofku u kala xusho, jeebkiisa iyo baahidiisa, manaba kusii jirto xilligan oo munaasabadda ciidda ay soo dhowdahay oo boqolaal kun oo qof oo qaarkood ka imanayaan magaalada banaankeeda ay doonayaan in ay dukaamaystaan.

Hadaba dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka dhashay Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaadhaya, iyada oo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay masiibadaas ayay mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland ku sheegen inay dhan tahay ku dhawaad 2-Bilyan oo dollar.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaadhaysa 5KM, ayaa tan iyo wakhtigan waxaa soconaya dedaallada lagu taakulaynayo ganacsatadii ku hanti beeshay.

Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu dabku ka kacay in dabka degdeg loo xakameyn waayo waxaa qayb weyn ka qaatay waddooyinka cidhiidhiga ee suuqaasi, sida ay ganacsatada qaarkood sheegeen.

Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda ku gubatay dabka suuqa ka kacay waxay sheegeen in suuqu markiisii horaba aanu lahayn waddooyin ku filan oo ay gaadiidka dabdamisku si waafi ah u mari karaan. Waddooyinka qaarkoodna ay xidheen ganacsatada yaryarka oo hareeraha waddada ku ganacsada.

Dukaannada iyo Bakhaarrada suuqaasi ka jiray intooda badan waxay ahaayeen kuwa dhinaca isku haya oo marin ku filan aan lahayn dadkuna ay u hoggaansamin digniinaha la xidhiidha waxyaabaha dabka baajin kara.

Haddaba sawirran waxaa ay kuu muujin karaan sida uu suuqa Waaheen ahaan jiray iyo sida uu maanta yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here