Saraakiil ka tirsan Milateriga Somaliland oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda Ciidamada Itoobiya

0
2405

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay ka qalin jabiyeen Jaamacada Ciidamada ee dalka Itoobiya.

Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya, Amb. Adam Geedi Qayaad, iyo saraakiil ka socotay Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ka qaybgalay xaflad loo qabtay saraakiishan ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee ka qalin jebiyay Ethiopia Defence University, College of Engineering.

Saraakiishan waxay soo barteen qaybaha kala duwan ee injineernimada sida:

1. Injineeriyadda dhismaha (Civil Engineering)

2. Injineeriyadda nidaamka (System Engineering)

3. Injineeriyadda hubka (Armament Engineering)

4. Injineeriyadda baabuurta (Automotive Engineering)

5. Injineeriyadda hawada (Aerospace Engineering)

Safiirka Somaliland wuxuu aad u bogaadiyey saraakiisha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee dedaalka ay muujiyeen.

Wuxuuna u jeediyay dardaaran culus, isagoona kula dardaarmay in ay qarankoodda u adeegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here