Safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacowday Somaliland oo hal arrin balanqaaday

0
2768

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland Teshome Shunde, ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono iskaashiga labada dal iyo labada ummadood.

Danjire Teshome, wuxuu sidaas ka sheegay xaflad Itoobiya u samaysay danjireyaasha cusub ee ay dhawaan u magacowday dalal ku  yaalla caalamka oo  ay goob joog ka ahayd madaxwrynaha Itoobiya, Sahlework Zewde iyo masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Teshome Shunde, wuxuu sheegay inay Somaliland wadaagaan xudduud isla markaana uu ka shaqeyn doono xidhiidhka ammaanka, ganacsiga iyo is-dhexgalka ganacsiga ee labada dal wadaagaan.

Waxa kaloo danjiraha Itoobiya uu xaqiijiyay inuu kor u qaadi doono cilaaqaadka labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya.

Tallaabada dowladda Itoobiya u soo magacowday danjiraha cusub ee u fadhiyi doona Somaliland waxa ay ka turjumaysaa xidhiidhka adag ee ka dhexeeya Somaliland, iyadoo labada dal ay wadagaleen heshiis isfahan oo ku wajahan in Somaliland ay ka kirayso Itoobiya 20km oo marin baddeed ah oo Itoobiya ka samaysato saldhig millatari oo badda ah. Halka Itoobiyana heshiisku dhigayo inay Somaliland u aqoonsato dal madaxbannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here