Safarka Madaxweyne Cirro ee Qatar: Shar iyo Khayr is dhinac yaal

0
1145

Safarka uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tegay dalka Qatar toddobaadkan wuxuu galay taariikhda, isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee si rasmi ah sida uu sheegay loogu casuumo magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Haddii xaaladdu caadi tahay, tallaabadani waxay noqon lahayd guul diblomaasiyadeed. Laakiin marka la eego xasaasiyadda siyaasadda Khaliijka iyo xifiltanka u dhexeeya Qatar iyo Imaaraadka Carabta (UAE), safarkani wuxuu u eeg yahay tallaabo khatar ah oo maraysa wadiiqo aad u yar oo dhinac walba ay halisi ka xigto.

Qatar waxay si cad u taageertaa midnimada Soomaaliya. Siyaasaddeedu waa mid aan leexleexad lahayn oo ah in la ilaaliyo soohdimaha dalalka, iyada oo si buuxda u garab taagan dawladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Dhanka kale, Somaliland waxay sannado badan xidhiidho gaar ah la lahayd Imaaraadka, oo ay ka heshay maalgashi, taageero amni iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo aan rasmi ahayn laakiin qiimo badan. Waxa isna jira xidhiidh ganacsi oo soo jireen ah oo u dhexeeya reer Somaliland iyo UAE.

Imaaraadka iyo Qatar waa laba dal oo uu ka dhexeeyo tartan iyo khilaaf sanado ka hor gaadhay heer dalalka Gacanka Carbeed badankoodu ay go’doomiyeen dalka Qatar. Talaabadaas oo ay ku kala baydheen Somaliland oo la safatay Imaaraadka iyo Sucuudiga iyo dawladda Somaliya oo la safatay Qatar. Tartankooduna waa mid ah; waad ila jirtaa ama waad iga soo horjeeddaa.

Waxaa la isweydiinayaa: Muxuu macnaheedu yahay safarkan Cirro ee Dooxa, iyadoo weli aan la xallin mustaqbalkii xidhiidhka Somaliland iyo UAE? Ma jirtaa la-tashi qaran? Ma loo diyaariyay in si xeel dheer loo maareeyo? Mise waa is-muujin deg-deg ah oo aan saadaal lahayn?

Siyaasadda arrimaha dibedda, gaar ahaan marka la matalayo dal aan wali aqoonsi helin, waxay u baahan tahay joogtaynta mowqifka, caddeyn istaraatiiji ah, iyo ixtiraamka saaxiibadii hore. Hoggaamiye marka la isku hallayn karo, lagana dareemo aragti dheer, wuxuu noqon karaa “diplomatic asset” – hanti diblomaasiyadeed oo lagu tiirsanaan karo.

Laakiin haddii madaxweyne cusub uu si lama filaan ah ugu leexdo dhinac ka soo horjeeda saaxiibkii ugu muhiimsanaa qaranka, iyadoo aan la samayn diyaargarow qaran, wuxuu noqon karaa “diplomatic liability”  oo ah halis diblomaasiyadeed oo dhaawacda sumcaddii Somaliland ee caalamka.

Sida uu Henry Kissinger oo ahaa khabiirkii dejiyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka yidhi:

“Qaran aan la isku hallayn karin, waa qaran ay adagtahay in lala macaamilo, ugu dambayntana waa la iloobaa.”

Marka xukuumaddi cusub tahay, haddii ay bood bood badato oo u eekaato xukuumad aan dawladuhu ukala soocnayn, waxa ay noqonaysaa dawlad meel dhexe ku dhacda oo aan cidina la socon.

Qatar iyo Imaaraadku waa labo dal oo leh qorshayaal fog oo tobanaan sano ah, kuwaas oo ku wajahan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo marin-biyoodka caalamiga ah. Waxay maalgeliyaan dekedaha, saameyn ku yeeshaan hoggaamiyeyaasha gobolka, waxayna u adeegsadaan warbaahin, deeqo dhaqaale, iyo siyaasad si ay u gaadhaan danohooda.

Somaliland, waxay u arkaan inaanay weli si rasmi ah u noqon xudunta qorshahooda, laakiin waa goob istaraataji ah oo dan laga leeyahay , balse aan ahayn meesha go’aannadooda lagaga xisaabtamo. Taasi micnaheedu waa, haddii aan si qaldan ula dhaqanno midkood, ama isku dayno inaan la ciyaarno ama ku dhex ciyaarno labadooda, waa suurtogal inaan si fudud u lumino labadoodaba.

Waxaa muhiim ah in aan ogaano: furitaanka xidhiidh cusub lagama horaysiiyo burburinta midkii hore. Somaliland waxay u baahan tahay siyaasad dibadeed oo miisaaman, oo:

• Furan, balse feejigan.

• La-tashi iyo tixgelin leh.

• Ku dhisan danta qaranka ee dheer, ee aan ahayn guul siyaasadeed oo muuqaal ah oo hal mar ah.

Sida uu diblomaasi Mareykan ah, Chester Bowles, mar yidhi:

“Siyaasadda arrimaha dibadda ma aha meel wax lagu tijaabiyo. Haddii ay tijaabo  noqoto, waa waddada ugu dhow ee lagu galo go’doomin.”

Madaxwaynuhu safarada uu galay midkoodna dadka uma sharixin. Ma uu qaban wax shir jaraa’id ah intii uu xilka hayay. Ma jirto fursad ay dadku u heleen inay wax ku waydiiyaan.

Gunaanad: Farriin iyo Fursad

Maaha safar keliya socdaalkani, waa farriin aynu u dirayno caalamka, waa heerka kalsoonida aynu ka kasbanayno xulafadeenna, waa jihada aynu doonayno in qarankeennu u socdo. Somaliland lama aqoonsana, waxaynu dooneynaa saaxiibo. Laakiin sida saaxiibo cusub lagu helayaa waa inay noqotaa mid laga baaraan degay oo aan halis gelinayn siyaasadeena arrimaha dibadda.

Waxaanu nahay gobanimo doon, waxaanan ku naalnaa goob istaraataji ah laakiin sidoo kale waxaynu nahay  dal sabool ah oo aan ku jirin xudunta xisaabta gobolka. Xisaabtaada siyaasadda arrimaha dibada waa inaad wax badan ku darsataa.

Madaxweyne Cirro wuxuu weli leeyahay fursad uu ku noqdo hoggaamiye mideeya mowqifyada, kana fogaada qaladaadka laga saari karo taariikhda ama wuu noqon karaa masuul la xasuusto inuu sii fogeeyay Somaliland markay ugu baahnayd isu-dheellitirnaanta diblomaasiyadeed.

Madaxwaynaha waa in shacabka iyo Golayaashu la og yihiin oo fahamsan yihiin waxa uu damacsan yahay. Qurbo-joogga iyo dadka shisheeyaha ah ee Somaliland taageera haddii ay ku wareeraan Meesha ay u socoto siyaasadda arimaha debedda ee Somaliland, waxa ay keeni kartaa inay faraha ka qaadaan dadaalkii ay wadeen. Taasina waa dhaawac aan laga soo kaban karin.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here