Sacuudiga oo ku dhawaaqay maalinta Ciidul-Fidriga

0
880

Riyadh (Hargeisa Press)- Maxkamadda sare ee Sacuudiga, ayaa si rasmi ah waxa ay u shaacisay in maalinta berrito oo ay taariikhda ku beegan tahay 30ka March ay tahay maalinta 1aad ee Ciida Soonfur.

Maxkamadda, ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Bisha laga arkay magaalada Tumeyr oo ka mid meelihii maanta ay koox Guddi ay Dowladda u xilsaartay baadi goobka Bisha ay soo sheegen inay bilatay Bisha Shawaal.

Sidoo kale, Dowladaha kale ee Carbeed ee Qatar, Imaaratka Carabta, Lubnaan, Falastiin iyo Kuwait, ayaa iyaguna shaaciyay in Berrito oo Axad ah ay ciidayaan.

Wadamada kale ee iyagu dhameystiri doona Bisha Ramadan ee Isniinta ay u tahay maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa kala ah Jordan, Cumaan, Pakistan, Malaysia, Indonesia iyo Australia iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here