Saaxil: Wasaaradda Deegaanka oo Baabiisay Dhul Si Sharci Darro ah Loo Ootay

0
344

Berbera (HP): Wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda JSL ayaa degaamo ka tirsan gobolka Saaxil ka fulisay ololeyaal lagu baabiiyay dhul si sharci darro ah loo Ootay.

Dhulkaasi la baabiiyay ayaa ahaa meelaha Ceshiimooyinka ah ee sharci darada ah looga ceshanayo dadka xoolo dhaqatada ah.

Hawl galadaasi lagu baabiinayay dhul daaqsimeedkaasi sida sharci darada ah loo Ootay waxaa fuliyay isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saaxil.

Iyadoona ay isku-duwaha hawl galkaasi ku wehelinayeen gudoomiya degmsda Go’da Weyn iyo maamulkiisa, Taliyaha Booliska ee degmadaasi iyo shaqaalaha wasaarada Deegaanka ee degmadaasi.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Internet-ka ee xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

Hawl galadaasi oo ay masuuliyiintu maalmahanba wadeen waxay ku baabiiyeen dhul aad u badan oo ceshiimooyin ah.

Dhulkaasi la bur-buriyay ayaa gaadhayay ilaa Afar Beerood oo ku yaala deegaanka Go’da weyn oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Deegaanada ay masuuliyiintani baabiiyeen waxaa ka mid ah Seeraha Gacan Libaax, Dhiciraha, Dhul-daaqsimeedka Agramati, iyo Woob iyo Banka Sabacad.

Sidoo kale meelaha kale ee sida sharci darada ah looga Ootay xoolo dhaqatadda ee ay wasaaradda Deegaanku baabiisay waxaa ka mid ahaa Waaqeer, iyo Farta- duurka, kuwaasoo dhamaantood ba ka tirsan degmadda Go’da Weyn ee gobolka Saaxil.

Geesta kale isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saaxil, oo hawl galadaasi ka warbixiyay ayaa sheegay Hawlgaladan ayaa in ay sii wadi doonaan baabiinta dhul-daaqsimeedka sida sharci darada ah loo Ootay.

Isagoona xusay in hawshaasi ay sii wadayaan si loo soo af-jaro Xaalufinta Deegaanka iyo Seerayaasha sharci darada ah ee la Ootay.

Dhinaca kale wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxay ku hawlanayd sidii wax looga qaban labaa dhul-daaqsimeedka sida sharci darada ah oo loo ooto.

Xaalufinta deegaanka, dhuxulaysiga, iyo jarista dhirta, iyo sidoo dhamaanba waxyaabaha kale ee dhibaatadda u keenaya deegaanka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here