GDQ JSL Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Waraaq Ay Maxkamadda U Gudbiyeen

0
533

Hargaysa (HP): Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay warqad ay dhawaan u gudbiyeen maxkamada sare dalka.

Waraaqdaasi ayay komishanku ku sheegeen in ay maxkamada ka dalbadeen fasiraad sharci oo la xidhiidha xeerarka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in kadib is badalo ku yimid hanaanka doorashooyinka Somaliland ay maxkamada uga baahdeen fasiraad sharci.

Waxaanu yidhi “Warqadaasi waxay ka hadlaysay fasiraad sharci oo aanu qornay ka koomiishan ahaan oo aanu u gudbinay maxkamada dastuuriga ah, fasiraadaa sharci oo salka ku haysa xaaladan aanu hada ku jirno ee doorashooyinka lanana sugayo in aanu wakhti u samayno”.

Waxa kaloo uu sheegay guddoomiyuhu in markii la doortay ay soo saareen wakhtiga ay ku qabsoomayso doorashada madaxtooyadu, laakiin intii wakhtiga lagu guda jiray ay wax badani is badaleen.

Sida in ururo cusubi soo baxeen iyo in wakhtigii uu ka dhacay xisbiyadii hore, sidaas darteedna ay fasiraad sharci maxkamada uga baahdeen.

Muuse Xasan Yuusuf, waxa uu sheegay in sida mucaaradku sheegayaan aanay maxkamadda u gudbin awoodoodii ay u lahaayeen in ay iyagu go’aan ka gaadhaan wakhtiga ay doorashooyinku dhacayaan.

Balse ay maxkamada ka codsadeen uun fasiraad sharci, kadibna ay iyagu ku dhawaaqi doonaan sida ay doorashooyinku u qabsoomayaan.

Geesta kale xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa isla markii la ogaaday warqada ay guddidu u gudbiyeen maxkamada sare dareen diidmo ah ka muujiyay.

Iyaga oo sheegay in guddidu ay awoodoodii sharci maxkamada uga tanaasuleen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here