Roobab dabeylo wata oo ka da’ay Saylac iyo dad ku dhaawacmay

0
2228

Saylac (Hargeisa Press)- Roobab dabeylo watay oo ka da’ay magaalada Saylac ee gobolka Sallel, ayaa waxaa ay sababeen khasaare kala duwan oo xoogan.

Roobabka dabeylaha watay oo xalay xiliyadii dambe ka da’ay magaalada Saylac, ayaa waxyeelo gaadhsiiyay magaalada.

Waxaa lagu soo waramayaa in Roobabku ay khasaare xoogan gaadhsiiyeen inta la xaqiijiyay 80 Guri oo magaalada ku yaalla.

Sidoo kale, ugu yaraan 2 ruux, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen roobabka dabeylaha watay.

Maamulka iyo masuuliyiinta degmada Saylac, ayaa booqday goobaha ay khasaaruhu ka soo gaadheen roobabka dabeylaha watay ee magaalada ka da’ay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here