Roob-doontii lagu hungoobay W/Q : Cabdiraxmaan Axmed Cabdilaahi (sudaysi)

0
962

Quraanka Kariimka ah waxa uu inbadan inooga waramay Umado hore , oo Alle u soo diray Anbiyo ; wacdiya , waanaiya  , kana reeba xumaha ay dhex dabaaalayaan , inbadan ay iska diiday kuna qacan saydhay .

 

Waano iyo wacdi dheer kadib , intii beenisay ee ku jeesjeestay Anbiyadi Alle u soo diray , waxa lagu soo dajiyay ciqaab . umadkastana Ciqaab gaara ayaa lagu ciqaayabayay , xanuujisa , isla markaana ka filan karaan deeganka ku xeersan .

 

Sidaa umad kasta loogu ciqaabay mid ku jaan-go’an Degaankooda , ayaa u kala duwan yihiin maanta Ciqaabaha alle soo dajiyo ; oo nin Paris jogaa abaar ma filanayo  , sida aanu nin hargaysa jooga u filanayn bulkaano waawayn oo ku qarxa .

 

Hadaba Ciqaabta Alle oo inaga ay ugu horayso Roobla’aanto maxaa keena , se maxaa inaga dul qaadi kara .

 

Bal aynu dib u jaleecno abuurkii Nabi Aadam iyo odoraskii malaa’igto ka filatay aadamaha dhulka dushiisa lagu unkayo ; malaa’igta oo alle la hadlaya –markuu u sheegay in aadamaha dhulka ku abuuryo-  ayaa yidhi “قالوا اتجعل فيها من يفسد فيها ويفسك الدماء..”  “ma dajinaysaa –dhulka- cid dhul-biis ah , dhiigana ku daadiya “ . Aayad kale Alle (SW)waxa uu  ku yidhi ” ظهر الفساد في البر والبحر بما كسبت ايدي الناس ليذيقهم بعض الذي عملوا ” “ Dhul-biis nimadii ayaa ka soo if-baxay Barrigii iyo Baddiba , si loogaa jarro badh ka mid waxay kasbadeen”. 

 

Dhul-biisnimada uu Alle inooga waramay maaha uu qudha Danbiyada inta badan la inga wacdiyo , sida salad la’aanta , khamriga iyo sinada . Se waxaa ka horeeya oo ka dhadhan san karnaa ayaada ay malaa’igu kusi odorasayso dhul-biis nimada ay ka warameen inay tahay; dhulka siduu ilahay u abuuray iyo dheela-tirnaantiisa oo wax laga badalo ; sida xaalufiska dhirta , qiiqa badane hawada lagu sii daynayo, saxarow  ga iyo buuraha la burburinayo oo isu dhelatirnatii dhulka ; intaaso dhan awgeedna lagu ciqaabayo Aadamaha, mid kasta iyo ciqaab – uu ka filan karo deegaankiisa uu biiyay – lagu salidayo ; sida duuufanda , abaaraha , dhul-gariir ka iyo qaar kaloo badan .

 

Hadaba markale aynu is waydiinee sababta abaaruhu inoogu habsaday ma danbiyada inta badan la inaga wacdiyoo qudha, mise kuwo aynaan marna iska wacdiyin baa ku lamaan , inta aynu fahmaynana abaartu ina haysan doonto , Alle bariga iyo Roob-doontana aynu ku hungoobi-doono markasta.

 

Inbadan ayaa duri kara arinkan , isla markaan ku xidhaya Alla-bari iyo Roob-doon qudha , soona daliishanaya ayaado ay ka mid tahay ; Nabi Nuux markii uu  tol-kii la hadlayay ee uu ku lahaa “وان استغفروا ربكم انه كان غفارا ، يرسل السماء عليكم مدرارا ، ويمدكم باموال وبنين ويجعل لكم جنات ويجعل لكم انهارا “ odhanayana Alle waxa uu inoo sheegayay hadaa istiqfaar iyo alle bari la timaad in uu Roob keenayo , xoolo iyo caruur ku siinayo , beero iyo wabiyana samaynayo. Hadaba Aayada Ma wada akhriyeen Se siday tahay ma u fahmeen ; tusaale ahaan – Nin aan xaas lahayne haduu Alle ka baryo caruur danbi dhaaf badana la yimaad ma heli karaa caruur , Jawaabtu waa maya . sidoo kale nin dhirtii roobka keenaysa xaalufinaya , dhul kana biinaya ma helayaa roob Alle-bari ba ha la yimaadee , jawaabtu yadna waa maya . markaa Ninka Alle roob ka baryaya isagoo dhirta xaalufinaya degaankiina biinaya waxa uu la mid yuhuun nin wakhti Jilaal lagu jiro Roob-doon dadka ugu yeedhaya , Eebana  ka baryaya in jiilaalka Roobka u shubo .

 

Gunta iyo gababada waxaa dawlada iyo hantiilayasha u soo jeedin lahaa inay u guntadaan inay la dagalaaman xaalufiska iyo dhul-biinta . culimada iyo wadaadaduna  ay ka wacdiyaan dadka una sheegan in roob la’aanta ina haysaa ka dhalatay dhul-biisnimada.

 

W/Q : Cabdiraxmaan Axmed Cabdilaahi (sudaysi)

Email: sudaysi8@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here