Rafaadka Abaaraha Ee Miyiga Iyo Raaxada Qaybaha Kale. Qalinka: AXMED CISMAN BATUUN

0
1021
Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxaad eegtaa waqtiga la joogo adigoo ka qiyaas qaadanaya halbeegyada kala duwan sida kuwa dhaqanka iyo kuwa cilmiga casriga ah la isticmaalo ee xaga  cimilada.

 

Waxaa kuusoo baxaya in xiligan geeska africa ay ka jirto xaalad adag oo noloshu ay marayso meel xun siiba dhulka baadiyaha ah ee lagu dhaqo xoolaha oo noloshu guud ahaan ku tiirsantahay waxaana dhacay biyo iyo baad la,aan iyadoo lakala hayaamay meelaha qaarna xooluhu ku le,deen dadkiina qirinqiir ku jiro.

 

 

Hadaynu si gaara uga hadalno Somaliland meelo badan ayay xaaladaasi ka jirtaa iyadoo cidda xilka ugu badani ka saaranyahay amuurtan ay tahay xukuumadda isla markaana aan la odhan karin waxay uga hawlgashay sidii ugu fiicnayd balse ay la tacaalayso xaaladan ayaa waxaa su,aal culusi dul saarantahay ganacsatada dadkan iyo dalkan keligood ka macaasha ee masaakiinta ka urursada malaayiinka doolar maxay kala socdaan xaalada dadka iyo duunyada.

 

Hubaal weeyi in kooxaha ganacsiga iyo hantiilayda Somaliland aanay wax badan ku celin dalkooda isla markaana ay keliya yaqaanaan sida loo macaasho lacago badan iyagoo xataa qaarkood laga yaabo inay la baxsadaan cashuuraha qaranka.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahday (si fiicana wax u cun si lamidana wax u tar),waxaan leeyahay ganacsatada hadii ay dhamaadaan xoolaha miyigu ogaada in magaalada laysugu imanayo oo aan daaro cadcad laga soo toosayn nolosheenuna ay ku xidhantahay xoolo nool,si loo badbaadiyona aad ku leedihiin kaalin aan cid kale qaadan karin, waxaana ifkiina san iyo aakhirada wanaagsani ku jiraan oo xoolihiinuna barakoobayaan markaase ilaahay intaad ka yaabtaan u gurmada dadka oo bixiya inyar oo biyo loo siiyo masaakiinta iyo mawaashiida aad ka ganacsataan.

 

sidoo kale waxaa xilkani saaranyahay qolyahay codka shicibka u baahan ee xisbiyadda, waana in ay kaalintooda ka qaataan gurmadka abaaraha,sidoo kale culimadu waa inay ku dhiirigaliyaan umadda in loo gurmado dadka abaaruhu ku habsadeen ilaahayna ay u baryaan inuu kasoo furto abaaraha iyo haraadka.

 

ugu danbayn warbaahinta waxaa iyagana la gudboon inay fidiyaan xaalada adag ee nolosha waqtigan ee xoolo dhaqatada si laysaga kaashado gurmadka xaaladan.

 

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu gurmadkiisa aan hagrashada lahayn inala soo gaadho idamkiisa.

 

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here