Qodobo Laga Soo Saaray Shir Boorama Ay Ku Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Awdal iyo Odayaasha Dhaqanka

0
1686

Boorama (Hargeisa Press) – Shir magaalada Boorama ay ku yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland u matala gobolka Awdal, Odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ayaa qodobo ka soo saaray shirkaasi ay ku yeesheen magaalada Boorama.

Qodobada ka soo baxay shirkaasi oo uu madasha ka akhriyey Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa ka koobnaa afar qodob waxanay u dhignaayeen sidan:-

1. In aanay saami qaybsi la’aan doorasho ka qabsoomayn gobolada galbeedka Somaliland.

2. Inay ku guubaabiyeen dadka adkaynta amniga iyo in salmi ah loo raadsado saamiga ka maqan.

3. Beesha caalamka oo looga digay in doorasho aan la isku raacsanayn ay malgaliso.

4. Waxaanu ka digaynaa in xukuumadu ay ku sii socoto cadaaladd darada ay ku qaybisay awood qaybsigii dawladdnimo ee la wada lahaa, sida; Golayaasha Sharci-dajinta, Furlinta iyo Garsoorka, ciidamada iyo shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here