Qaramada Midoobay oo balan-qaaday inay Somaliland kala shaqeynayso xaaladda Bani’aadanimada

0
1152

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Dibu-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Somaliland, ayaa waxaa ay maanta martigelisay shir heer sare ah oo lagaga hadlayay arrimaha bani’aadaminimo ee dalka.

Shirkan oo muhiimad weyn lahaa, ayaa waxaa si gaar ah uga soo qayb galay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Isuduwaha Arrimaha Bani’aadanimada iyo Isuduwaha Joogtada ah ee UN-ka ee Somaliland iyo Soomaaliya, George Conway, oo booqasho rasmi ah dalka ku yimid.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadaminimo ee dalka, gaar ahaan duruufaha adag ee ay la tacaalayaan bulshooyinka nugul, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay saameynta suurtagalka ah ee roob la’aanta, abaaraha, iyo isbeddelka cimilada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadanimada, oo shirka guddoomiyay, ayaa jeediyay khudbad dhaxal gal ah oo si qoto dheer u taabanaysay arrimaha bani’aadanimada.

Wuxuu si xirfadeysan u iftiimiyay caqabadaha haysta barakacayaasha iyo bulshooyinka nugul, isagoo muujiyay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga gudaha iyo midka caalamiga ah si loo helo xal waara oo wax-ku-ool ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mukhtar Baaxo oo isna hadal ka jeediyay kulanka, ayaa soo bandhigay warbixin kooban oo ay ku jiraan tirakoobyada qaxootiga, barakacayaasha, iyo dadka socdaalka ku maraya xuduudaha Somaliland.

Waxaanu Agaasimuhu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan wadajir ah oo wax looga qaban karo xaaladaha degdegga ah iyo kuwa soo kordhaya.

George Conway, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah.

Waxaana uu xusay in xaaladaha bani’aadaminimo ee ka jira dunida ay u baahan yihiin xalal is-kaashi ku dhisan, wuxuuna ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay Somaliland kala shaqeyso sidii loo xoojin lahaa adkaysiga bulshada iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka jira.

Ugu dambeyn, shirku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad wax-ku-ool ah oo la isla meel dhigay, iyadoo dhinacyadu muujiyeen niyad-wanaag, kalsooni, iyo rajo laga qabo in iskaashiga sii socda uu horseedi doono horumar la taaban karo oo ku wajahan wax-ka-qabashada baahiyaha bani’aadaminimo ee ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here