Gaalkacayo (HP): Maxaabiis ku xidhnaa xabsi si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla magaaladda Gaalkacayo ee gobolka Mudug, ee dhinaca Puntland.
Waxaanay wararku sheegayaan kn hal maxbuus uu dhintay saddex kalena way baxaadeen jeelkaasi.
Maxaabiista ayaa saaka salaadii subax xabsigaasi ka baxsaday, kuwaasoo tiradoodu ahayd ilaa todoba nin.
Hase yeeshee saddex ka mid ahaa maxaabiistaasi ayaa la soo qabtay, halka saddex kalena ay baxsadeen.
Hal maxbuus ayaana ku geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamadii xabsiga ilaalinayay.
Sida uu sheegay Muumin Cabdi Shire, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.