Gabiley, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta gobalka gabiley ayaa saaka kusoo galbiyey kunasoo dhaweeyay gobalka gabiley proff,axmed ismaciil samatar oo ah aqoonyahan kazoo jeeda gobalka gabiley isla markaana ku dhashey magaalada gabiley hadaba soo dhawaynta Prof.Axmed Ismaciil ayaa waxay ka dhacdey xarunta guriga martida hadaba soo dhaweyntan qiimaha leh ayaa waxa qabanqabadeeda lahaaa xoghaya dawlada hoose ee gabiley C/Raxmaan Nuur Abokar Iyo Maayar Dawlada Hoose Mahamed Aaamin Cumar Cabdi Iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo ka mida suldaamada gobalka gabiley,hadaba soo dhawaynta proff.axmed ismaciil samater ayaa ahayd mid dadwaynaha gobalka gabiley ay guud ahaanba udhanaayeen madaama uu yahay aqooonyahan reer gabiley isla markaana goor kasta iyo goob kasta oo uu joogo proff axmed ismaciil uu ku faano gobalka gabiley.
Hadaba soo dhawayntan ayaa ahayd mid lagu tageersan yahay axmed ismaciil inuu ka mid noqdo siyaasiinta reer Somaliland inkastoo oo wali xaalku yahay biyo sare waa la sugayaa.hadana waa aragtida dadwaynaha reer Somaliland ay isla dhex marayaan sidoo bulshada reer gabiley ayaa iyguna la qaba fikiryada dadwaynaha reer Somaliland ee falanqeeya siyaaasada.
Ugu horayn waxa halkaaasi ka Hadley una mahad celiyey booqashada uu proff axmed ismaciil ku yimid gobalkiisa gabilay masuuliyyinta sida xoghaya fulinta crmaan nuur abokar iyo maayar mahamed aamin cumar sidoo wax isaguna dhinaciisa umahad celiyey Prof. Axmed isagoo sheegayna in aad ufaraxsanyahay markasta oo aan arko gobalka gabiley oo ixasuusiya taariikh aan ku faano.
Booqashadan ayaa ahay mid ka turjumaysay aqoonyahay axmed inuu yimid gurigiisa oo ah gobalka gabiley.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com