Peter Pham: “Somaliland xaqbay u leedahay inay heshiis la-gasho dowladaha caalamka”

0
3820

Washington (Hargeisa Press)- Dr. J. Peter Pham oo ah Diblomaasi Mareykan ah oo lafo-gura arrimaha siyaasadda iyo ammaamka Geeska Afrika, ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay heshiis la gasho dowladaha caalamka.

Peter Pham, wuxuu sheegay in Somaliland ay xornimada ka hor qaadatay Soomaaliya oo aan ka xoroobin Talyaaniga, isla markaana ay tahay dal xaqiiqo ah oo caalamku fahmayo qaddiyaddiisa.

Diblomaasi Peter Pham, wuxuu xusay in ka badan soddon sannadood ka hor ay kala baxeen Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay dowladda Muqdisho ka shaqeyn Somaliland.

Waxa kaloo uu ku dooday in shacbiga Somaliland aqlabiyadoodu aanay aragba wax Soomaaliya la yidhaahdo oo xukunta dalkooda, waxaanu caraabay in aanay suurtogal ahayn in ay dib ugu noqodaan dalka fashilmay ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Somaliland dunidu la macaamisho oo xilliganba ay casriyaynta dekedda Berbera wado shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Diblomaasiga, ayaa sidoo kale iftiimiyay in heshiiska is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu horumar dhaqaale iyo ganacsi u horseedayo Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here