Ololaha Caymiska Gaadiidka oo Laga Daah-furay Magaalada Hargeysa

0
585

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fagaaraha Khayriyada ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa maanta si rasmiya looga daahfuray ololaha Caymiska gaadiidka dalka, kaas oo socon doona muddo saddex toddobaad ah.

Sidoo kale Ololahan Caymiska gaadiidka ayaa lagu qaban doonaa gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaana bulshada lagu bari doona adeegyada Caymiska gaadiidka.

Munaasibada daahfurka ololaha Caymiska gaadiidka waxa soo agaasintay hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha baanka dhexe, agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka, saraakiisha ciidanka nabadgelyada wadooyinka, masuuliyiinta hay’adda Caymiska iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Mudane Guuleed Muuse Galaal, ayaa sheegay in daahfurka ololahan caymiska ay ka bilaabayaan gaadiidka, oo uu xusay in dhimashadiisii iyo khasaarihiisii aad u fara batay, waxaanu intaas ku daray in Caymisku kaalin weyn ka qaadanayo badbaada bulshada.

Waxaanu yidhi.“Caymisku waa tiro badan yahay oo waa ilaa 9 nooc, balse hadda gaadiidka ayaynu ka bilaabaynaa oo keenay dhimasho aad u fara badan, dhaawiciisuna ilaa shan kun oo qof sannadkii innaga dhaawacmaan, ilaa 220 qofna ay u dhintaan,”

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ayaa sheegay in gaadiidka la Cayminaya ay yihiin kuwa caafimaad qaba, badqaba, isla markaana la hubiyay.

Waxaanu yidhi.“Gaadiidka la cayminaya waa gaadiid caafimaad qaba, badqaba, la hubiyay, oo aan dadka waxba yeelayn, waxaa la cayminaya marka la hubiyo wax alaale wixii gaadhi looga baahan yahay ee mihiim ah”

Geestooda saraakiisha nabadgelyada waddooyinka, masuuliyiinta hay’addaha Caymiska iyo saraakiishii kale ee ka soo qaybgalay ayaa soo dhaweeyay ololahan Caymiska Qaranka, oo ay sheegeen in uu wax weyn ka tarayo khatartii soo foodsaari jirtay gaadiidka xilliyada ay dhacaan shilaalku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here