Washington (HP): ALLE ha u naxartistee waxaa xalay dalka Maraykanka lagu dilay Sheikh Maxamed Xassan Aadam, oo ahaa Imaamka Soomaalida ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.
Sheikh Maxamed Xasan Aadan, oo la waysanaa illaa Arbacadii la soo dhaafay ayaa ugu danbayn Maydkiisa la helay.
Xubno ka mid ah qoyskiisa iyo jaaliyadda Soomaaliyeed Ohio, ayaa sheegay in Imaamka la waayay 7-dii fiidnimo ee xilliga Geeska Afrika, waxaana markii ugu dambeysay uu ku sugnaa masjidka Al Huraira.
Baadhitaano socday ku dhawaad 48-saacadood kadib ayaa Maydka Imaamka laga helay Baabuur dhexdiisa.
Isagoo ay jidhkiisa ku yaalaan dhawr xabbadood oo rasaas ah, sida ay sheegeen xubno ka mid ah jaaliyadda Soomaalida degan Ohio.
Waxaa goobta Maydkiisa laga helay marxuumka ay ahayd isgoyska Joyce iyo wadada 17-aad ee dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus Ohio.
Dhinaca kale guud ahaanba bulshadda Soomaalida ku nool Maraykanka gaar ahaana gobolka Ohio ayaa dareen cadho leh ka muujiyay dilka sheekha.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.