Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland waxay qaadacday koox kubadda cagta ah oo sidata magaca Somaliland oo kaga qeyb-galaysa Abkhazia tartan hoos u dhigaya sumcadda iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida waxay ku sheegtay Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay Wasaarada Ciyaaraha” shaacinay in tartankaasi aanu ahayn mid heer caalami ah, uuna bah-dilaad iyo sharaf darro ku yahay qaranimadda Somaliland, maadaama loogu tallo-galay inay ka qeyb-galaan maamul goboleedyo ay hogaamiyaan jabhaddo ku dhisan hab-qabiil.
https://youtu.be/aW_hvUmKuQU
“Somaliland waa dal jira oo qarana oo maanta adduunyada cid joogta oo ka qarsooni jirin, waxaanu doonaynaa haddaba inaanu sheegno markay sidaas tahay waxaanu annagu ka wasaarad ahaan aanu qarankan wakiil uga nahay ciyaarihiisa, cid alla ciddii ku ciyaaraysa Somaliland guddaheeda, cidday Somaliland la ciyaarayso halkay tegayso, halka ku haboon iyo halka aan ku habooneyn annagay naga go’daa. Muddo dhaweyd waxaa jirtay qollo dhallinyaro ah oo la sheegay inay ku dhaqan yihiin dalkaka UK oo jaaliyaddaa Somaliland ee halkaa balaadhan ka mid ahi, inay hindiseen inay Somaliland koox ka socdaa oo magaca Somaliland ku ciyaaraya uu tartan ka qeyb-galo, arrintaa markaanu derisnay, tartanka laga qeyb-galaya aanu arragnay, iyagu siday wax u wadaan arragnay, waxaanu go’aansanay inaanay Somaliland tartankaas ka qeyb-galin”.
“Tartankani wuxu ka dhacaya Abkhazia oo ah goob weli laysku haysto, waxa ay ku taalaa Xeebta Barri ee Badda madaw waxa ay ka go’day wadanka Joorjiya sannadkii 1991-kii, laakiin waxa ka danbeeyay muran iyo isqabsi faro baddan oo keenay dagaalo dhex maray labada dhinac. Jamhuuriyadani ma haysato ictiraaf balaadhan. Tartankan oo la yidhaahdo CONISA ayaa waxaa loogu tallo-galay inay ka qeyb qaataan maamul goboleedyo ay jabhado u taliyaan, taana dalkeenu maaha ee waa qaran taaba qaaday oo aan wax dib u celin kara karaamadiisa iyo qaranimadiisa aynaan raaliba ka ahayn, waana taas sababta ugu sii weyn ee aanu ku diidanahay tartankan” Agaasimaha Guud ee dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland.
“Dhallintaa ku nool dibaddaha gaar ahaan UK, ee yidhi magaca qaranka Somaliland ayaanu ciyaaro uga qeyb-galeynaa. Marka hore magaca qaranka Somaliland dee dhallin meel keliya joogta oo qurbaha ku nool, oo magaalo qudha ku nool dee ma matasho, oo ma odhan karaan annagaa qarankii Somaliland ah. Qaranka Somaliland waxaa lagaa soo xulaa goboladda kala duwan iyo kooxaha kala duwan ee Somaliland ee guddaha ah ayaa laga soo xulaa, inagana dalkeenu waa kaa xorta ah, nabadgelyada aynu ku joogno weeyaan, jabhad dibad meer ah ma nihin, oo dad qurbo joog ah oo qaxoontiya oo meelahaa ka cabanaya ma nihin, ee waa dadkaa calankooga hoos jooga iyo qaranimadooda ayaynu nahay” Wasiir Xigeenka Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland .
HargeisaPress News Desk — Hargeysa