London, (HargeisaPress) — Khamiistii 20-kii bishii hore ee April wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wuxuu machadka Africa Research Institute ee xaruntiisu tahay magaalada London ka jeediyay khudbad ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii uu khudbadiisa oo dhinacyo badnayd dhammeeyay, waxa dadkii kulanka ka qayb galay oo ajaanib ku jireen weydiiyeen su’aalo kala duwan oo ku saabsan dekedda Berbera iyo DP world, saldhiga Imaaraadka Carabta laga siiyay Berbera iyo qodobo kale. Haddaba, machadka ayaa boggiisa Internetka ku baahiyay su’aalihii ugu xiisaha badnaa ee madashaas lagu weydiiyay Wasiir Sacad, kuwaas oo uu Geeska Afrika qaar ka mid ah u soo turjumay Af Soomaali, waxaanau su’aalaha iyo jawaabaha wasiir Sacad Cali Shire u dhaceen sidan:
Marka aynu ka hadlayno heshiiska DP World ee dekedda Berbera iyo saldhigga Milateri ee laga kireeyey Isutagga Imaaraadka Carabta, ma la odhan karaan aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa xukuumaddii ku qasbaysa in ay dalkii dhaxal wareejiso?
Annagu runtii sidaas uma aragno. Waxa aanu u aragnaa in dhaxalkii dalka aanu wax ku soo kordhinayno.
Maxaa damaanad ah ee ay xukuumaddu ka haysataa in aan saldhiggaas milateri ee Imaaraadka laga kireeyey loo isitcmaali doonin colaad. tusaale ahaan hawlgallada Yemen?
Saldhig milateri waa saldhig milateri. Waa aan ka garaabayaa in uu jiri karo walaac dhinaca sharciyadda ahi. Laakiin saldhigyo kaleba waa ay ku yaallaan gobalka. Waxaa ka mid ah saldhigyada milateri ee Jabbuuti ku yaalla, ama saldhigga uu Imaaraadku ku leeyahay magaalada Casab ee dalka Eriteeriya. Maan maqlin wax raad taban ah oo ay saldhigyadani ku yeesheen dalalka marti geliyey.
Dawladdu ma waxa ay isku dayeysaa in ay aamusiiso cid kasta oo dood ka keenta ama ka soo horjeesata shirkadda DP World iyo heshiiska saldhigga Milateri.
Marnaba ma’ jirto sabab cid loo cabudhin karaa. Waa xaqiiq marka aad wada xaajood heshiis ku jirto, in aanad wixii laga wada xaajood oo dhan dadweynaha u sheegi karin.
Waa muhiim in la’la yimaaddo daahfurnaan iyo wada-tashi, laakiin sidaas oo kale waxaa iyaduna muhiim ah in si heshiis fiican loo helo ay qodobbada qaar sir ahaadaan, waana sida dal kasta oo kale oo dunida ahiba yeeli lahaa. Labadan heshiisba baarlamanku waa uu ansixiyey.
Dawladda Muqdisho ma waxa ay isku dayeysaa in ay carqaladayso heshiiska DP world iyo saldhigga Milateri ee Imaaraadka laga kiraynayo?
Dawladda Soomaaliya wax awood ah kuma laha Somaliland, Berberina ma khusayso. Heshiisyadani shaqadeeda ma’aha. Kuwa aanu la saxeexannay heshiisyadanina si fiican ayaa ay u og yihiin sida ay xaaladdu tahay. Sida qaran ayaa ay Somaliland arrintan ugala xaajoodeen, waana ay ka badheedheen hawshan.
Markii aad Imaaraadka wada xaajoodka arrintan khuseeya kula jirteen, ma’ weydiisateen in ay si rasmi ah idiin aqoonsadaan?
Waan kuu xaqiijinayaa in aanu weydiisannay. cid kasta oo aanu wada xaajood la galnana waa aanu weydiisannaa. Laakiin marka aad wada xaajood ku jirto, qasab maaha in wax kasta oo aad doonayso aad hesho. Intii karaan ah ayaad shuruudaha riixaysaa uun.
Geeska