Nin 16 Sano Ku Xidhnaa Talyaaniga oo Lagu Dilay Muqdisho

0
792
Xaashi-Cumar-oo-qarax

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmada Dharkaynlay duhurkii maanta uu ku geeriyooday Xaashi Cumar Xasan oo hore muddo ka badan 16 sano ugu soo xidhnaa dalka Talyaaniga.

Qaraxan, ayaa ilo wareedyo sababo ammaan u diiday in magacooda la sheego waxay VOA u sheegeen inuu ka dhashay aalad qaraxda oo lagu xidhay baabuurka. Ilaa hadda booliiska Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin qaraxa.

Xaashi Cumar, ayaa hore loogu helay dilka laba saxafi oo u dhashay Talyanaiga oo lagu kala magacaabo Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo sannadkii 1994-kii lagu dilay Muqdisho.

Xaashi Cumar, ayaa ku adkaysanayey inaanu dambigaasi gelin.

Xukunka oo ku dhacay Xaashi Cumar sanandkii 2000, ayaa maxkamaddu ka laabatay sannadkii 2016-kii kadib markii ay soo baxeen caddaymo cusub oo muujinayay in mid ka mid ah dadka ku markhaati furay uu been sheegay.

Cumar Xaashi Xasan, ayaa 31-kii bishii March ee sannadkii 2018-kii waraysi uu siiyey VOA kaga hadlay magdhaw ay maxkamaddu u xukuntay in laga siiyo xukunkii qaladka ah ee ku dhacay.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here