Muxuu Yahay Heshiiska Ay Wada Gaadheen Soomaaliya iyo Eritrea?

0
1222

Asmara (Hargeisa Press) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea Isaias Afwerki iyo Mohammed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadahadal ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa diirada saarey xoojinta qaab dhismeedka iskaashiga Ereteriya iyo Soomaaliya & xoojinta Soomaaliya xoog leh islamarkaana madax banaan.

Labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la cusbooneysiiyo Heshiiskii Asmara ee 2018 oo qeexayay muhiimadda ay leedahaay Madax banaanidda dhuleed, siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxay kaloo ku heshiiyeen in dib loo laba jibaaro dadaallada socda ee loogu jiro isdhexgalka gobolka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee ay kala saxeexdeen Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wadahadalka labada dhinac ayaa sii socon doona, waxaana la filayaa in madaxweynuha Soomaaliya galabta kasoo duulo dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here