Washington – Guddida Arrimaha Dibedda Golaha Congress-ka ee Mareykanka ayaa ansixiyey xeerka dib u qaabaynta Waaxda arrimaha Dibedda ee Mareykanka, xeerkan oo ay jiraan qodobo Jamhuuriyadda Somaliland, u ogolanaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanku xafiis dublamaasiyaddeed ka furato Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
1. Kala saaridda Somaliland iyo Soomaaliya
Xeerkani waxa uu si cad ugu baaqayaa in kala saaro Somaliland iyo Somalia, waxaanu farayaa in Xoghayaha Arrimaha Dibadda tixgeliyo in la kala saaro digniinaha socdaalka ee dadka Mareykanka ee ku saabsan tegitaankooda Soomaaliya iyo Somaliland.
Tan macnaheedu waa farriin kor u qaadaysa Jamhuuriyadda Somaliland in ay tahay oo loo arko meel ka duwan Somalia, marka laga hadlayo nabadgelyada, degnaanta siyaasaddeed, kooxaha argagixasada oo aan saamayn ku lahayn iyo socdaalka, halka Somalia ay muujinayso in ay tahay meel ay dhibaatooyin amni darro ka jiraan, kooxaha argagixisadu ku xoogan yihiin, markaa waxay ka dhigan tahay in kala saaro Somaliland iyo Somalia. Somaliland loo tix geliyo meel nabadda ah oo muwaadiniinta Mareykanka tegi karaan.
2. Xafiis dublamaasiyaddeed oo Mareykanku ka furto Hargeysa.
Xeerkan waxa uu ku talinayaa in Dawladda Mareykanku Xafiis ka furato Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana si gaar ah talaabada furitaanka Xafiiska laga doonayaa in ay ka shaqayso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.
Xafiiskan waxa uu noqonayaa, Somaliland uga dhigan tahay in xidhiidh toos ahi dhex maro Somaliland iyo Mareykanka, waxaanu xafiiskan ka shaqaynayaa xidhiidhka dublamaasiyaddeed iyo iskaashi dhex mara Washington iyo Hargeysa.
3. Fududeynta Maalgashiga iyo Socdaalka Muwaadiniinta Mareykanka
Xeerkan waxa uu hoosta ka xariiqayaa, isla markaana Ujeedada ugu weyn ee uu xambaarsan yahay ay tahay in la fududeeyo in shirkaddaha, Ganacsatada iyo muwaadiniinta Mareykanka ay si toos ah ula shaqeeyaan Somaliland dhinaca maalgashiga, ganacsiga iyo socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee, marka la soo ururiyo nuxurka xeerkan cusub iyo waxa uu Somaliland uga dhigan yahay waa
-Xidhiidhka dublamaasiyaddeed oo toos ah oo lala yeesho Somaliland
-Maalgashi iyo ganacsi uu Mareykanku la yeesho
– iyo in Somaliland iyo Somalia la kala saaro, oo Mareykanka mid walba si gaar ah ula macaamilo, isaga oo dantiisa ka dhigaya mudnaanta koowaad.
Saleban Saxansaxo

















