Muxuu Madaxweyne Cirro kala soo guryo noqday Djibouti?

0
1784

Hargeysa (Hargeisa Press)- Inkasta oo aan war rasmi ah laga hayn ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweyne Cirro ku tagay Dalka Djibouti hadana waxa soo baxaya in labada Madaxweyne mid ba Danno gaar ah ka lahaa kulankooda.

Waxa marka hore casuumadda safarka Djibouti fidiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Doorashadii kadib dhawr jeer casuumay Madaxweyne Cirro balse dhamaantood way baaqdeen.

Guushii Madaxweyne Cirro kadib waxa labada Dal soo kala dhex galay khilaaf keenay Djibouti inay aad uga xanaaqday markii Madaxweynihii hore ka hor istaagay inay ka soo qayb galaan xafladdii xil wareejinta 12 Nov 2024 ka dhacday Qasriga Madaxtooyadda, halka mar labaad dhinaca Xisbiga Wadani ka baajiyay xaflad gaar ah oo la filayey inuu ku martiqaado Dalka Djibouti.

Safarkan imika Madaxweyne Cirro ku tagay Dalka Djibouti waxa ka soo baxay saddex ujeeddo oo dhinaca Somaliland Dan u ahaa halka dhinaca Djiboutj Danta ugu wayni ahayd inuu sawir guud dunida ugu tuso Somaliland inay ku soo laabatay gacantiisa maadaama sanadihii ugu danbeeyay ay ka fara baxday.

Wararka laga helayo kulamadii gaar gaarka ahaa ee labada Madaxweyne galeen waxa lagaga wadahadlay sidii Somaliland loogu soo dayn lahaa Maxaabiista Laascaanood kaga xidhan, qoddobkaas oo labada dhinac ba culays wayn ku haya, waxaana la filayey Somaliya iyo Khaatumo inaynka soo qayb galaan balse badheedhaha miiska ay hore usoo dhigeen ayaa lagu sheegay inay ku xidheen Sanaag inay Somaliland uga baxdo oo laa maanul ay noqoto.

Qoddobaka kale ee dhinaca Somaliland bandhigeen ayaa lagu sheegay inay kaga dalbadeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taageero dhaqaale inuu Somaliland siiyo maadaama marka hore ba uu si wayn uga taageeray Doorashadii uu xisbiga Wadani Guusha ka soo hooyoy. Waxaanay wararka laga helayo codsigaasi sheegayaan inuu ka aqbalay.

Qoddobka Saddexaad waxa uu ahaa mid ay Ganacsatada Somaliland oo dhamaantood safarka Madaxweynaha siyaabo kala duwan uga qayb ahaa dhinaca Isgaadhsiinta ahi Dalka Djibouti kaga doonayeen Internetka Dalkaasi maadaama xadhkihii Berbera yaalay ay xidhmeen.

Marka la soo ururiyo muuqaalka guud ee ka soo baxay safarkaasi waxa uu muujinayaan in Somaliland safarkii iyo xidhiidhkii Imaaraatka ee arrimaha Ganacsi iyo siyaasadeed hoos u dhacay maadaama Djibouti siyaasiyan ay kala fog yihiin, isla markaana imika xaaladda taagan ay xulafooyinka ay la kala safan yihiin si wayn ugu loolamayaan gacan ku haynta Mandaqadan.

Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, Guddoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here