Muxuu Madaxweyne Biixi kala hadlay Salaadiinta Gobollada Awdal iyo Salal?

0
1582

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada Gobollada Awdal iyo Salal.

Madaxweynaha, waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Rooble Muuse Cabdi, wasiir ku-xigeenka hawlaha guud, Cabdimajiid Ibraahim Muumin, Xildhibaan Axmed Daahir Jirde iyo Guddoomiyaha gobolka Hawd.

Qoraal ka soo ka baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud iyo difaaca Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.

Madaxdhaqameedka iyo aqoonyahanka gobollada Awdal iyo Salal, ayaa madaxweynaha hortiisa ka caddeeyey inay weligoodba ahaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, imikana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin si buuxdana u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.

Warka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

Cuqaashan madaxweynuhu kulanka la qaatay, ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Caaqil Cali Cumar Boon, Caaqil Cilmi Maxamed Warfaa, Caaqil Geelle Wacays, Caaqil Xasan Cabdilaahi iyo Oday Aadan Cabdilaahi Boodh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here