Musharax Bookh Oo Kormeer Wayigelineed Ku Soo Maray Deegaamo Ka Tirsan Gabiley

0
481

Gabiley (HP): Murashax Maxamed C/laahi Jaamac (Bookh), oo u tartamaya golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex, kana sharaxan xisbiga Waddani ayaa maanta kormeer wacyigelineed ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.

Iyadoo ay maanta ku beegnayd maalintii uu isku soo baxyadda ololaha doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ee Somaliland u lahaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu murashaxu ka sharaxan yahay.

Waxaanu murashaxu kormeerkiisa ku soo maray deegaamadda dhinaca Woqooyi iyo Galbeed ee gobolka Gabiley, halkaasoo uu bulshadda deegaamadaasi ee taageereyaashiisa ah ku baraarujinayay in ay codka siiyaan maalinta doorashadda.

Waxaana murashax Maxamed Bookh, dhamaanba deegaamadii uu kormeerka ku soo maray si weyn ugu  soo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee bulshadda taageereyaashiisa ah.

Kuwaasoo u muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay codkoodda siiyaan maalinta doorashadda, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay is garab taagaan sidii uu u hanan lahaa metelaadda golaha Wakiiladda ee soo socda.

Murashax Maxamed C/laahi, ayaa uga mahad celiyay  dadweynihii kala duwanaa ee soo dhaweeyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Isagoona ka codsaday in ay codkoodda siiyaan maalinta Isniinta ah ee 31-ka bishan May oo ay doorashooyinku ka dhacayaan Somaliland.

Waxaanu u balan qaaday in haddii uu doorashadda ku guulaysto inuu si buuxda bulshadda deegaankiisa ugu meteli doono wax ka qabashadda hadba wixii baahi ah ee ay qabaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here