Munaasibadda Lagu Xusayay 18-ka May Oo Lagu Qabtay Magaaladda Istanbul

0
451

Istanbul (HP): Magaalada Isbanbuul ee dalka Turkiga, ayaa lagu qabtay munaasibad lagu xusayay maalinta Qarranimada jamhuuriyadda ee 18-ka May.

Ardayda iyo Jaaaliyada reer Somaliland ee nool magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa magaaladaasi ku qabtay munaasibad lagu xusay maalinta dib u soo noqoshada Qarranimada 18-ka May.

Iyaga oo ku soo bandhigey waxyaabaha ay gaarka la tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadan oo ahayd mid siweyn loo soo agaasimay ayaanay u kala hadhin qabanqaabadeeda iyo ka soo qayb galkeeda ardayda iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyada reer Somaliland ee nool ku nool magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.


Xafladaasi waxaa kala soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo madashaasi ku soo bandhigeen mudnaanta ay maalintani leedahay.

Waxaanay ka jeediyeen khudbado si qoto dheer uga waramaya jihaadkii loo soomaray curashada maalintan.

Dabaal-dagyada ay dhigayaan shacabka Somaliland ayaa soo socday ilaa curashadii bishan May.

Iyadoo dhallinyaro kumanaan ah oo ku labisan calanka Somaliland ay isku soo baxyo ka dhigayeen fagaarayaasha magaalooyinka waa wayn.

Astaamaha dabaaldega maalinta Qaranimada ayaa noqday astaanta ugu badan ee la sita calanka Qaranka Somaliland, oo siyaabo kala duwan loo sameeyay, goyaal, fargalo, koofiyado, saacado iyo muraayadaha indhaha iyo astaamo kale.

Halka qaarkoodna ay dhar ka tosheen, kuwa kalena huwadeen, kuwana baabuurtooda kawada dhigeen iyo carruur sida dharka ciida ugu helaan xidhashada dhar calanka Somaliland ah, oo kaga soo qayb galaya xafladaha.

https://fb.watch/kEOY9jdGEF/?mibextid=v7YzmG

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here