Sida aynu ogsoonahay qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa uu soo maray maraxalado kala duwan oo mid walba lahaa hadimooyinkooda, hawshooda iyo dhibtoodaba
Iyada oo naf iyo maalba loo huray sidii qaranka u noqon lahaa mid taabo iyo hana qaada
Kumanaan ayaa naftoodii kuwaayay kumanaan kalena waxa kasoo gaadhay dhaawac sababay in qaar kamid ahi gaadhaan heer waalasho ah oo aanu maankoodu iyo maskaxdooduba aanu caadi ahayn
Hadaba in qaranka noocaas ah ee loo soo maray xaladahaas adag ee tacabka iyo dadaalka lagaliyey in madax iyo mucaaridba meel looga soo wada jeesto sidii loo horumarin lahaa mooyee miyuu wax kale ina geeyaa!
Hadaba 18 may 1991 kii ayaa magaalada burco laga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland
Jaranjarooyin iyo xaalado adag oo uu soo maray intii uu jirey qarankani waxay dhaxal siisay in uu kasoo gudbo arimo xaasaasi ahaa oo dhibtooyinkeeda iyo dareenkoodaba lahaa isla markaana soo gaadhsiisay heerkan aynu ilaa maanta taaganahay oo ah wax ilaahay loogu mahadiyo inaka oo aduunyadana ka dhaadhicinay in aynu nahay qaranka taabo iyo tisqaaday oo iskii isu taagay isaga oo aan cidna caawimo gacmo shisheeya ah ka helin ilaa intii uu soo marayey heerarkaa kala duwan
Somaliland hal shay oo ay aduunyada dheertahay ayaa ah isku tanaasulka , isixtiraamka iyo ka horaysiinta danta guud ta gaar ahaaneed
Alle ayaynu marwalba u mahadcelinaynaa ina garansiiyey tubtan toosan ee in badan oo qayrkeen ah aanayhaysanin
Hadaba nabada oo ah tiirka koowaad ee umadi kadhisantaa ayaa ah waxyaabaha aynu ku faano nabaduna sideeba cidla lagama helee tacab bay ku timaadaa
Nabadaas ka dib waxaynu dhisanay nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah isla markaasna ilaa maanta waxa Somaliland soo maray afar
Madaxweynayaashaas waxay kala ahaayeen 1. Cabdiraxmaan axmed cali ( alle naxariistii jano haka waraabiyee) 2. Maxamed xaaji ibraahim cigaal ( alle naxariistii jano haka waraabiyee) 3. Daahir rayaale kaahin iyo 4. Axmed maxamed maxamuud siilaanyo
Madaxweyne kastaa waxa hortaalay caqabad dhibteeda iyo baaxadeedaba leh siyaabaha laga gudbayayna ay kamid ahaayeen wada tashi iyo wax iswaydaarsi
Hadaba golaha guutidu waxay Somaliland ugu jiraan door iyo kaalin muhiim ah Waa caqliga iyo garawshiyaha dalkeena Somaliland .
Mudo kordhin ay sameeyaan maaha tii ugu horaysay ee wakhtigii madaxweyne cigaal talada dalka hayay ayay kasoo bilaabantay iyada oo ujeedada ka dambaysa mudo kordhintuna aanay ahayn waxyaabo sharciga ka hor imanaaya bal se ay arkayeen arimo xaasaasi ah oo aan suuro gal ka dhigayn in doorasho dhacdo
Waxa kale oo mudo kordhin loo sameeyey wakhtigii madaxweyne daahir rayaale talada dalka hayay sababo jira awadooda
Hadaba ma filayo qof in uun dananaynaya, laxajeclona ka hayso dalkan inuu qas iyo qalalaase galin doono isaga oo qiil kadhiganaya mudo kordhin baa la samaynayaa
Umadi waxay horumar gaadhaa marka ay wanaaga isku gargaarto ee isku garab gasho xumaantana meel uga soo wada jeestaan
Golaha guurtidu maadaama ay yihiin caqliga iyo garaadka umada , xisbiyada muxaafadkuna ay dhawrayaan danta qarankan waxba inaga xumaan maayaan
Waxan kusoo gabagabaynayaan wakhtiga ay komishanku ku qaban karaan dooraashooyinka , guurtiduna ma filayo in ay qaadaci doonaane waxan leeyahay halo tudho qarankan oo halaga horaysiiyo danta guud ka gaar ahaaneed.
Wa bilaahi tawfiiq
WQ:Deeq Guure
Guure1444@gmail.com