MSF oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Hawlihii Samafalka Ee Gobolka Sool

0
1416

Laascaanood (Hargeisa Press)- Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa sheegtay inay sii wadi doonto ka sii shaqaynta magaalooyinka Somaliland gaar ahaan gobolka Sool iyo hawlihii dhanka samafalka caafimaad ee ay ka waday gobolka Sool.

MSF, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in hay’addu ay bixinayso daryeelka aasaasiga ah ee hooyada iyo dhalmada ka soo barakacay colaadaha magaalada Laascaanood.

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in hawlaheeda caafimaadka ka sii wadi doonto degmada Kalabaydh ee gobolka Sool.

Hay’addu waxay sheegtay in ay ka go’an tahay sii socoshada howlaheeda, iyadoo ay hagayso anshaxa caafimaadka, mabaadi’da, madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada.

MSF, ayaa waxaa ay in ka badan 40 sano ka shaqaynaysay caafimaadka bani’aadamka iyo xaaladaha deg dega ah ee nafaqo-xumada ee bulshooyinka ku nool deegaanada Somaliland gaar ahaan gobolka Sool.

Si kastaba, warkan ka soo baxay Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhawaan ay shaacisay in ay ka baxayso gobolka Sool, kaddib markii ay sheegtay in shaqaalaheeda ay saamayn ku yeesheen duqeymaha xarumaha caafimaadka ee Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here