Muqdisho (Hargeisa Press) – Midowga Yurub ayaa hakiyay lacagtii tooska aheyd ee uu ku kabi jiray miisaaniyadda Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist.
Lacagta tooska ah ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaliya ayaa la billaabay sanaddii 2018, iyada oo wixii markaas ka horeeyay la marsiin jiray hay’addaha iyo ururada aan dowliga ahayn (NGOs), si ay Soomaaliya ugu kharash gareeyaan.
Hase yeeshee, warbixinta uu maanta qoray wargeyska The Economist ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeyey bishii June ee sanadkii hore uu mar kale Midowga Yurub hakiyey miisaaniyaddaas, sababo la xidhiidha walaacyo ku saabsan isku day lagu xadayo doorashada Soomaaliya.
Warbixinta wargeyska ma bixin wax faah-faahin oo intaas dhaafsan, hase yeeshee waxay madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigi ka dhammaaday ku eedeysay in tan iyo markii uu xukunka qabtay uu isku dayayay inuu awoodda xoojisto isaga oo dhinac u riixaya mucaaradka, islamarkaana u adeegsanaya ciidamada.
Arrintan ayuu wargeyska sheegay inay walaac ku abuurtay dalalka Reer Galbeedka ee inta badan bixiya miisaaniyadda Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama hadlin haddii ay jirto in miisaaniyadda Midowga Yurub ka hakiyay, hase yeeshee daba-yaaqadii sanadkii tegay iyo horraantii sanadkan waxaa soo ifbaxayay dhowr kiis oo ku saabsan ciidamo iyo shaqaale rayid ah oo aan mushahar qaadan, taasi oo markii hore aan dhici jirin.