Hargeisa (Hargeisa Press) — Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Gabiley ayaa waxaa uu shaaciyay in uu u sharaxanyahay doorashada golaha Wakiilada Somaliland.
Xildhibaan Iid ayaa sidoo kale sheegay in uu ka sharaxan yahay gobolka Maroodi Jeex.
Sidoo kale, waxaa uu xildhibaan Iid Xasan fariin u diray bulshaweynta ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa, isagoona u soo jeediyay in ay marlabaad doortaan.