Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa hadda si toos ah maxkamadda sare ee Somaliland uga soo dhamaaday dhagaysiga go’aanka maxkamadda sare ee Somaliland kasoo saartay khilaafka ragaadiyay xisbiga UCID oo ay garnaqooda gacanta ku haysay.
Waxaa maxkamadda goob joogayaal ka ah labada garab ee ay kala hogaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen,qareenada u doodaya labadan garab iyo waliba 11 garsoore oo iyagu kasoo garnaqay go’aanka khilaafka UCId.
waxana hadda maxkamadda sare ee somaliland kasoo saartay go’aamo kama danbays ah oo dabar u noqon doona khilaafka xisbiga UCID waxaana qodobadani kala ahaayeen sida tan
- In Muddo 60 Cisho ah lagu qabto shirwaynihii xisbiga UCID oo aan caadi ahayn isla markaana maanta ka bilaabmaysa
- Maxkamadda ayaa xukuntay In ergada shirwaynaha xulistooda loo raaco xeerkii xisbiga UCID
- In labada dhinacba ay hawl galiyaan 10 xubnood oo ka hawl gala qaban qaabada shirwaynaha xisbiga isla markaana la shaqaynaya hogaanka xisbiga kana kooban 10 xubnood oo si isleeg looga soo kala xulay labada dhinac
- qodobka 7-aad Maxkamadu waxay ayiday qodobada 4-aad, 5-aad 6-aad iyo 7-aad ee go’aanka gudida diiwaangalinta iyo ururada siyaasada.
Go’aankan ay soo saartay maxkamadda sare ee Somaliland ayaan wax saasa kaga duwanayn go’aankii ay hore usoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasada somaliland taasi oo uu gudoomiye Faysal ambiil ka qaatay.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP