Maxay Yihiin Shuruudaha Looga Baahan Yahay Ganacsatadda Yar Yar Ee U Baahan Maalgelin Dhaqaale?

0
522

Hargaysa (HP): Kulan ku saabsan shuruudaha looga baahan yahay in ganacsatadda yar yar ee  reer Somaliland ay helaan maalgelin dhaqaale ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi oo ay soo agaasintay wasaaradda maalgashiga Somaliland iyo haayadda waddaniga ah ee shuraako.

Waxaana shirkaasi mudadda uu socdo lagu lafo guri doonaa sidii ay ganacsatadda yar yari u fahmi lahaayeen shuruudaha maalgashiga, taasoo ay gacanta ku hayso haayadda Shurraako.

Sida ay sheegtay agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, oo si rasmiya u furtay kulankaasi.

Agaasimaha ayaa  u mahad celisay wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga Somaliland oo ay sheegtay in ay ka caawiyeen soo xulista ganacsatadda ka qayb qaadanaya kulankaasi.

U jeedadda laga leeyahay maalgelinta ay haayadda Shurraako bixinayso in meheradda la siiyo lacagta ay raacdo shuruudaha looga baahan yahay si ay u sii kobciyaan ganacsigoodda.

Sida uu gaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga Somaliland C/raxmaan Ab-deeq, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here