Maxay Ka Wadahadleen Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar?

0
630

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xidhiidh dhanka khadka taleefoonka ah kula xidhiidhay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, iyaga oo ka wadahadlay arrimo ku saabsan horumarinta xidhiidhka labada waddan.

Labada dhinac, ayaa sidoo kale wada-hadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee Geeska Afrika.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka wadahadal midho dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna labada masuul diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal”.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim, ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here