Maxay ka Wadahadleen Wasiirka Qorshaynta iyo Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Britain ee Somaliland?

0
149

Hargeysa (HargeisaPress)–Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa (British Office Hargeisa), Christina Toepell.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, gaar ahaan mashaariicda uu Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka, iyo Horumarka Caalamiga ah ee Ingiriiska (FCDO) ka taageero Somaliland.

Christina Toepell ayaa Wasiirka warbixin ka siisay mashaariicda hormuudka ay FCDO ka wado Somaliland iyo doorka ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo qorshayaasha la xidhiidha horumarinta waara.

Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi ayaa sheegtay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay si dhow oo wax ku ool ah ula shaqeyso dowladda Ingiriiska iyo FCDO, iyadoo lagu taageerayo dadaallada horumarineed ee dalka. Wasiirku waxa kale oo ay xustay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo qorshayaasha horumarineed iyo barnaamijyada siyaasadeed ee dalka, si loo hubiyo in mashaariicda la fulinayo ay waafaqsan yihiin himilooyinka qaranka.

Agaasimaha Guud ayaa isna la wadaagay qorshayaasha istiraatiijiga ah ee wasaaradda, yoolalka horumarineed, iyo muhiimada ay leedahay in la isku waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Waddani, si loo gaaro himilooyinka horumarka ee dalka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, si loo dardargeliyo mashaariicda ay FCDO ka taageerto dalka, loogana miro dhaliyo dadaallada horumarineed ee waafaqsan istiraatiijiyadda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here