Maxay ka wadahadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Safiirka Itoobiya?

0
5735

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya u soo magacawday Somalilad Ambassador Teshome Shunde Hamito.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa warbixin ka siiyey Safiirka xaaladda guud ee dalka Somaliland, waxaa kale oo uu warbixin ka siiyey taariikhda faca wayn ee Somaliland leedahay.

Waxaa kale oo ay ka wadahadleen Wasiirka iyo Safiirku amniga Geeska Afrika, iskaashiga amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, in la xoojiyo xidhiidhka nabadgelyada ee labada dowladood iyo guud ahaanba in la sii adkeeyo xidhiidhka taarikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Somaliland, Ambassador Teshome Shunde Hamito, ayaa dhiniciisa Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland uga mahadnaqay soo dhoweynta uu u sameeyey.

Kulanka, waxaa wasiirka ku wehelinayay Wasiirka wasaaradda horuumarinta Caafimaad Xasan Maxamed Cali Gaafaadhe iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here