Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Nelli Mikkola oo ah Danjire ku-xigeenka Dawladda Finland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
Kulanka waxa lagaga wadahadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xagga adkaynta nabadaynta, horumarka bulshada iyo adkaynta mabaadi’da dawlad wanaagga.
Madaxweynuhu waxa uu Danjire ku-xigeenka uga mahad-naqay taageerada soo jireenka ah ee ay Dawladda Finland u fidiso dadka reer Somaliland. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in Somaliland ay mudnaanta koowaad siinayso adkaynta nabadda iyo xasilloonida mandaqada iyo sidii loo sii wadi lahaa xallinta khilaafaadka taas oo ku salaysan wada-hadal iyo is af-garad.
Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u sheegay in muddadii koobnayd ee uu xilka hayay ay Xukuumadiisu ku tallaabsatay guulo la taaban karo oo ay ka mid yihiin Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah oo ku aasaasmay duruufo jiray awgeed, Tiro-koob Casri ah iyo tayeynta dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL, iyo soo afjaridda colaadii muddada dheer ka oognayd Degmada Ceel-Afweyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u qeexay baahiyaha muhiimka ah nolosha bulshada Somaliland ee ay Dawladda Finland ka caawin karto Somaliland; sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, farsamada gacanta iyo dhisidda awoodda hay’adaha Dawliga ah.
Danjire ku-xigeen Nelli Mikkola, iyaduna dhinaceeda waxa ay Madaxweynaha Somaliland ku bogaadisay doorashooyinkii quruxda badnaa iyo qaabka wacan ee Xukunka loola kala wareegay.
Sidoo kale, Danjiruhu waxa ay Madaxweynaha Somaliland ku ammaantay hannaanka masuulnimo ee ay Xukuumadiisa u waajahday arrimaha nabadda iyo xasilinta xiisadaha ka jira Gobollada Bariga dalka.
Waxa ay sheegtay in Dawladda Finland ay diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso arrimaha mudnaanta u leh, sida caafimaadka iyo waxbarashada, dhex-dhexaadinta khilaafaadka iyo dhismaha nabadda.
Danjiruhu waxa ay Madaxweynaha Somaliland u sheegtay in dal ahaan (Finland) ay jeclaan lahaayeen in uu ku yimaado booqasho, maadaama Madaxweynuhu uu sannado ku noolaa Finland.
Ugu danbeyntii Kulankan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Danjiraha Finland, ayaa waxaa uu ku soo gaba-gaboobay guul iyo is-afgarad.