Maxay Ka Wadahadleen Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh?

0
1114

Djibouti (Hargeisa Press) – Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan laba geesood ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada dalka Jabuuti.

Labada madaxweyne, ayaa waxaa ay kulankooda kaga wada-hadleen horrumarinta iskaashiga labada dal iyo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxa uu la wadaagay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Soomaaliya iyo shacabku ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Shabaab, xasillinta Dalkiisa iyo adkeynta dowladnimada.

Sidoo kale, wuxuu uga mahad-celiyay garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-Walaal u muujiyeen Soomaaliya, xilliga adag ee uu socdo howl-galka ay dib ugu xoreynayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee Soomaaliya ka gaadhay dagaalka Al-Shabaab.

Geelle, ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here