Maxay ka wadahadleen Guddida Doorashooyinka iyo Guddida Diiwaan-gelintu?

0
1928

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Guddida Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka dalka.

Kulanka, ayaa waxay labada dhinac kaga wadahadleen wadashaqaynta ka dhaxaysa labadooda guddi ee doorashada iyo diiwaangelinta.

Guddida diiwaangalanta iyo ansixinta ururrada siyaasadda, ayaa waxay Guddida Doorashooyinka warbixin ka siiyeen arimo la xidhiidha hawlaha ururrada iyo asxaabta qaranka Somaliland.

Guddida diiwaangelinta, ayaa la wadaagay Guddida Doorashooyinka, habsami u socodka hawlaha isku biirista ururrada iyo axsaabta qaranka oo muddadii loo cayimay ay ku eeg tahay 14 Augost 2024.

Waxaa kale oo ay la wadaageen, ururrada siyaasadda ee khilaafku ka dhex jiro, kuwa ay dacwaddahoodu dhamaadeen iyo kuwa ay gacanta ku hayaan ee socda. 

Uga dambayn Guddida diiwaangalintu waxay Guddida Doorashooyinka la wadaageen, wakhtiga ay u soo gudbinayaan kiiska kama-baynta ah ee ururrada siyaasadda & xisbiyada qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here