Maxay Ka Tidhi Xukumadda Somaliland Wararka Sheegaya In Xuska 18-May Lagu Soo Casuumay Madaxwaynayaashii Hore Ee Dawlada Somaliya Iyo Maamulka Puntland

0
825

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay warar mudooyinkii u danbeeyeyba laysla dhex marayay oo aha in xuska 18-may oo ah sanad guuradii 25-aad ee kasoo wareegtay asaaskii jamhuuriyada Somaliland ay kasoo qayb galayan isla markaana lagu casuumay madaxwaynihii hore ee dawlada Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka Puntland mudane Cabdiraxmaan Faroole.

 

Mudane Maxamuud Xaaashi Cabdi wasiirka madaxtooyada Somaliland aya sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn isla markaaana aanay jirn wax lagu soo casuumay xuska 18-may.

 

Wasiirka oo arimahaa ka hadlaya aayaa waxa uu yidhi.

 

“Waxaan maqlayay warar sheegaya waxa xuska lagu casuumayaa Sheikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole waxyaalo badan oo caynkasa oo ku tidhi ku ten ah arimahaa waxaan leeyahay wax alael wax ka jiraa ma jiraan wax xuska lagu soo casuumayna ma jiraa”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka madaxtooyadu

 

Hadalkan kaso yeedhay wasiirka aya kusoo beegmaya kadib markii mudooyinkii u danbeeyeyb ay warbaahinta iyo bulshada somalilnd ay qaada dhigaysay isla markaana ay hadal haysa in xuska 18-may lagu soo casuumayo madaxwaynayaashii hore ee dawlada somaliya iyo maamulka puntland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here