Hargeysa (Hargeisa Press)- Heshiska is-afgarad ee dhexmaray dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu fursad muhiim ah u yahay labada dal sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen koboca dhaqaale, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo xidhiidhkooda diblomaasiyadeed ee labada dal.
Heshiiskan oo ay hareeraha hayaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa horseedi kara is bedel ku dhaca muuqaalka Juqraafiyadeed ee Geeska Afrika.
Heshiiskan, ayaa lagu wadaa inuu fududeeyo ballaadhinta ganacsiga iyo maalgashiga labada dal iyada oo ay xuddun u tahay dekedda Berbera oo alaabtu ka dhoofayso kana soo degayso.
Heshiiskan, ayaa sidoo kale waxa ku jira qorshe lagaga wada shaqaynayo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyin iyo xadiidka tareenku maro, kuwaasoo loogu talo galay inay xoojiyaan is-dhex galka iyo isku xidhka dhaqaale ee gobolka.
Kaabayaasha dhaqaalah oo la horumariyaa maaha oo kaliya isku socodka badeecadaha iyo dadka balse waxa ay horseedi karaan koboc dhaqaale oo ballaadhan iyo fududaynta maalgashi gobolku helo iyo isu socodka ganacsi xooggan.
Marka laga tago dhinaca dhaqaalaha waxa aan iyadana la dhayal san karin muhiimadda istiraatijiyadeed ee uu leeyahay is-afgaradka dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Waxa heshiiska qayb ka ah xoojinta iskaashiga dhanka amniga iyo dadaallo wadajir ah oo lagaga hortago argagixisada, ammaanka xuduudaha iyo isweydaarsaiga wararka sirdoonka.
Iskaashiyada noocan ah, ayaa lagama maarmaan u ah hoos u dhigista ama yaraynta khataraha Geeska Afrika, iyo in kor loo qaado xasilloonida mandaqadda oo muhiim u ah horumar waara iyo adkaynta nabadda gobolka.
Dhanka Itoobiya, inay Somaliland wada shaqayn yeeshaan waxa ay xoojinaysaa meeqaankeda juqraafiyadeed ee mandaqadda Badda Cas, iyada oo u maraysa wada shaqayn togan oo ay la yeelato dalalka gobolka.
Itoobiya, ayaa sidoo kale doonaysa inay ka hortagto saamaynta awoodaha kale ee gobolka iyada oo ilaalinaysa daneheeda istiraatijiyadeed ee mara marinnada muhiimka ah ee badda.
Dhinaca Somaliland, Heshiiskan is fahan waxa uu u yahay tallaabo loo baahnaa oo ay u qaadday dhanka hiigsigeedee ahaa sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami iyada oo ah dal madax bannaan.
Sidoo kale, Somaliland inay xulafo la samaysato Itoobiya oo ah dalka ugu awoodda badan gobolka, ma kordhinayso oo kaliya sharcinnimadeeda diblomaasiyadeed, balse waxa ay sidoo kale sare u qaadaysaa kaalinta ay ku yeelanayso masraxyada caalamiga ah.
Iskaasigan, ayaa sidoo kale waxa uu muujinayaa awoodda ay Somaliland u leedahay inay si wax ku ool ah oo muuqata kaalin ugu yeelato hindisyaasha gobolka si ay u adkayso joogitaankeeda diblomaasiyadeed.
Waxa uu is-afgaradkani sidoo kale gogol xaadh u yahay wadashaqayn ballaadhan oo heer gobol ah oo ka baxsan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Waxa uu kor qaadayaa is-fahamka iyo wadajirka ka dhexeeya qowmiyadaha iyo dadyowga ku nool Geeska Afrika, iyada oo loo marayo dadaallo wadajir ah oo lagu bixiyo dhinacyada waxbarashada, daryeelka caafimaad iyo is-weydaarsiga arrimaha dhaqan.
MOU-gani waxa uu kor u qaadayaa is-fahanka iyo wadajirka wadamada Geeska Afrika, taasoo wadada u xaadhaysa horumar waara iyo is-dhex gal goboleed.
Haddaba joogtaynta kulannada siyaasadeed iyo wadahadallo aan kala go’lahayn oo labadas dhinac joogteeyaan waxa ay muhiim u noqon karaan ka hortagga caqabadaha kahor iman kara heshiiska iyo ka faa’idaysiga fursadaha uu la yimid heshiiskan is-afgarad iyo dar-darglintiisaba.
Inuu heshiiskani si buuxda u hirgalo, ayaa haddana waxa ay u baahan tahay in si wadajir ah looga hortago caqabadaha jira, aragti istiraatijiyadeed iyo u heellanaanta ujeeddoyinka labada dhinac. Si taa la mid ah labada qaranba waxa ay sare u qaadi karaan faa’idooyika ay ka helayaan iskaashigooda iyaga oo si wadajir ah uga gudba turunturooyika, kobciya kalsoonida dhexdooda isla-markaana joogteeya dadaallada iskaashiga labada ummadood ee walaalaha ah.