Gogol-dhig, Gu waliba waayihiisa leh eh, waxa lagu jiraa qarnigii 21 aad oo laga isticmaalley durtaba 16 sannaddood oo dhameystiran. Waxa is baddel weyni ku yimi amniga iyo dhaqaalaha adduunka oo si lama filaan ah qarniga cusub bilawgiisa si weyn oo baaxad leh u ruxmay 2008. Xilligaas oo dhaqaalihii Maraykan uu hargab weyni ku dhacay, halka dunida inteeda kale na ay ka qufacdey. Ha ugu sii darnaadeen dalalka Reer Yurub oo si weyn dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan ba isugu xidhani eh. Qormadan yar ee gaaban waxa aan si korka xaaddis ah ugu odorasi doonaa sannadka cusub ee Miilaadiga iyo curashada waxa uu la bilan doono, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka intooda mihimka ah.
Dhaqaalaha Guud ee Adduunka
Aan ku bilaabo dhinaca dhaqaalaha guud ee adduunka. Waxa aan saadaalinayaa in dhaqaalaha adduunku si tartiib ah u soo kaban doono sannadka 2016. Sababta oo ah, waxa uu dhaqaale u kordhi doonaa dalalka ugu waaweyn adduunka. Sidoo kale, wax-soosaarka adduunka ee dhinacyada cilmiga sayniska iyo tiknoolajiyaddu waa ay wanaagsanaan doonaan waxa na ay abuuri doonaan jawi xasilloon oo ay ka faa’iideystaan dhamaan shariikadaha ku hawlan ganacsiga adduunka iyo baayac mushtarka is dhaafa ee dunida.
Waxa kale oo taa dhinac socon doona wax-soosaarka khayraadka dabiiciga ah oo sannadkan aad uga badan doona marka loo fiirsho sannaddihii hore. Waxa si hubaal ah u kordhi doona caddadka salliida qaydhiin ee waddamada OPEC kuwaas oo ku bahoobay soosaarista tamarta. Waxa kale oo kordhi doona soosaarista dahabka, birta iyo dallaga beeraha, gaar ahaan Yurub, Maraykan, Aasiya iyo Afrika intaba. Haddii aan si guud u ugu kuur galo waddamada dhaqaalaha ahaan arrimhani saameynta ku yeelan doonaan waxa ka mid ah dalalka:-
Maraykan
Maraykan waxa aan saadaalinayaa in uu dhaqaalihiisu kori doono. Waxa arinta tan aan ku sababeynayaa laba ammuurood oo waaweyn kuwaas oo keeni kara horu-socodka dhaqaale ee aan Maraykan ka filayo sannadka 2016. Ammuurta koowaad waa in Maraykan ay ka suuro-gasho in la qaado mudada 40 ka sanno ah ee dal ahaan mamnuuca ka dhigtey in Maraykan saliidiisa adduunyada u iib geeyo. Arintani waxa ay sahli kartaa in Maraykan oo ah dalka saddexaad ee ugu soosaaritaanka badan saliida adduunyada uu noqdo dalka labaad ama ka koowaad ee soosaara saliida adduunka ugu badan.
Tani waxa ay sabab u noqoneysaa in qiimo dhac balaadhani ku yimaado saliida adduunka, taas oo baddelkeeda Maraykan ka dhigaysa in uu kor u kaco qiimaha doolarku. Waxa Maraykan arintaa ugu jira faa’iido dhaqaale oo balaadhan, sababtu na waa doolarka oo ah miisaanka dhaqaale ee adduunka dhinacayada iibsiga, wax-soosaarka badeecadda iyo khayraadka dabiiciga ah intaba. Ammuurta labaad waa in Maraykan libin laabo dagaaladda uu kula jiro ISIL iyo urrurada xagjirka ah, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta suuqyada hubka oo waddamo badan ku kalifi doonta in ay hub ka iibsadaan shariikadaha waaweyn ee hubka sameeya oo badidooda Maraykan laga leeyahay.
Midawga Yurub
Waddamada Midawga Yurub waxa ku iman doona kobac dhaqaale oo aan aad u badneyn. Gaar ahaan dhinacyada suuqa wax kala iibsiga ee guryaha, maalgashiga iyo wax soosaarka sayniska iyo tiknoolojiyada. Waxa kale oo korodh fiicani ku iman doonaa iyada oo laga faa’iidayo qiimaha is dhimaya ee shiidaalka in wax-soosaarka warshaddaha iyo beeraha la libinlaabo. Waxa arintani ay abuuri doontaa jawi xasiloon oo dhaqaale, kaas oo sabab u noqon doona korodhka suuqa shaqada ee Yurub. Sanadkani waxa kale oo uu dhaqaale ahaan la kawsan doonaa in muddo siddeed sanno ah ka dib marka kale baannanka waaweyn ee dalka UK ay soo celin doonaan dulsaarka ribada (interest rate) iyada oo intaa ka dib la filayo in ay ku dayan doonaan kuwa Faransiiska iyo Jarmalku ba.
Waxa korodhkan dhaqaale ee Yurub ugu horeyn doona dalka UK oo la kawsan doona shaqo abuuris fiican, wax-soosaar wanaagsan iyo kalsooni ku soo noqon doonta in dadku ay badiyaan isticmaalka lacagta iyo iibsiga alaabada suuqa oo keeni doonta farax dhaqaale oo horu-socod ah. Dalalka kale ee Yurub sida Jarmalka, Faransiiska iyo Isbayn (Spain) si aan la mid ahayn UK ayey u kori doonaan, waxa se dhici doontain in dalka Talyaanigu aanu korniin dhaqaale oo la taaban karo ama la mid ah kuwa Yurub aanu sameyn doonin sabab la xidhiidha siyaasadda aan degganeyn ee waddanka oo aan dhiiri-galin doonin maalgashiga iyo suuqa shaqada.
Ruushka iyo Turkiga
Taa cakiskeeda waxa dalka Ruushka soo food-saari doona dhaqaale xumo ay ku keentay collaaddaha is huwan ee uu kula jiro Reer Galbeed iyo tan hadda cusub ee isaga iyo Turkiga soo kala dhex gashey. Waxa se xusid mudan in dalka Turkiga laftiisu aanu dhaqaale ahaan kori doonin sannadkan, taas oo kalifi doonta kacdoon aan balaadhneyn oo gilgila dawladda Ordegan sida muddaharaadyo iyo mucaaridnimo baaxad leh oo soo kicisa ladh cusub oo siyaasi ah oo hoos u dhac ku keena Xisbiga dawladda ee AK. Waxa sidoo kale qiimo dhac ku iman doonaa lacagta Ruushka iyo maalgashiga Turkiga.
Qaaradda Eeshiya
Qaaradaha Eeshiya waxa ku iman doona kobac dhaqaale marka si guud loo taabto, waxa se badi dhaqaalahaasi uu farxad galin doonaa dalalka Jabaan, Koonfurta Kuuriya iyo Shiinaha. Waxa xusid mudan in dalka Sucuudi Careebiya uu miisaaniyad ahaan hoos u dhici doono (budget deficit). Arinta tan waxa sabab u ah hoos u dhaca shidaalka iyo collaaddaha kaga ooggan Yemen iyo siyaasadda Bariga Dhexe oo aan aad u deganeyn. Waxa kale oo aan saameyn badani ku iman doonin dalalka Immaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Gadar. Halka ay India dhaqaale ahaan kori doonta, iyada oo dalka Baakistaan na dhaqaale ahaan sida uu hadda yahay sii ahaan doono.
Afrika
Afrika waxa ay si guud u heli doontaa qiyaas aan badneyn oo korniin ah. Laakiin nasiib daro ma noqon doono ku laga dareemo jeebadaha dadkeeda. Meelaha ay wax ka kori doonaan waxa ka mid ah dhinaca wax-soosaarka dibiiciga ah iyo dhismaha daaraha oo abuuri doona jawi nololeed oo aan loo dhameyn. Mushkilada Afrika ugu weyn ee haysataa waa in farsamada cilmiga sayniska iyo tiknoolojiyadda ay ka tahay aggoon iyo rajo is huwan. Waxa na ay baahi weyn darteed sii daba fadhiyi doontaa qaaraddaha kale gaar ahaan Maraykan oo deeq qammadi ah soo gaadhsiin doona, Yurub oo dawlad wanaagga kala shaqeyn doonta iyo Shiinaha oo ay ka naawili doonaan maalgashi bilaa shuruud ah, iyada oo aan collaaddaha iyo dhibta jirta aan sinaba uga gaashaaman.
Siyaasadda Guud ee Adduunka
Siyaasadda guud ee adduunku waxa ay la bilaaban doontaa jawiga cabsida badan ee sannaddihii 2014 iyo 2015. Dhamaan qulqulatooyinka siyaasaddeed ee Bariga Dhexe iyo Bariga Yurub waxa ay ku naggaan doonaan sida ay hadda yihiin. Si kasta oo wadahadallo loo sameeyo ma muuqato in la isku af-garan doono. Sababta ugu weyni waa in aan la is cunsiin doonin masaalaxaadka dhinacyada isku haya adduunka ee Reer Galbeed inkasta oo ay ugu tun roonyihiin haddana ay jiraan quwado aan la inkiri karin oo ku sanduleynaya in meelo badan tanaasul la isaga muujiyo. Quwadahaa waxa ugu tun weyn dalka Ruushka oo kaashanaya Shiinaha iyo Iiraan.
Maraykan
Siyaasadda dalka Maraykanka waxa aan saadaalinayaa in ay noqon doonta mid aan wax badani iska baddelin dhinaca arrimaha dibbedda. Waxa uu Maraykan la sii col ahaan doonaa dalalka hadda ay siyaasad ahaan kala duwan yihiin, waxa uu xoogga saari doonaa Afrika dhinaca amniga iyo siyaasadda dimuqraadiyeynta. Waxa kale oo wax iska baddeli doonaan siyaasadda Maraykan iyo dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu hoos u dhigi doonaa tacaamilkii iyo taageeeradii weyneyd ee uu siiyey Soomaaliya sannadkii 2012. Dalka Itoobiya waxa uu wali u daba-fadhiisan doonaa arrimaha Soomaaliya, isaga oo Kenya iyo Jabuutina daryeeli doona aminigooda oo xiligan lagama maarmaan u ah Maraykan.
Arinta Bariga Dhexe wax weyni iskama baddeli doonaan, waxa se uu si toos ah iyo si dadban ba ugu lug lahaan doonaa arrimaha Iiraan, Suuriya, Sucuudi Careebiya, Yemen, Liibiya iyo Masar. Waxa kale oo uu isku tusi doonaa in uu garab taagan yahay dalalka Turkiga iyo Sucuudiga isaga oo Iiraan aan marnaba uga hiillineyn. Waxa uu aad u sii taageeri doonaa dalka Israa’iil, waxa na ay ku wada socon doonaan dalka UK oo arintaasi ay si gaar ah uga go’an tahay. Ammuuraha Jabaan iyo Koonfurta Kuuriya waxa uu u muujin doonaa taageeradiisa joogtada ah ee ay ugu bahoobeen Shiinaha. Ugu dambeyn waxa Maraykan ka dhici doonta doorashada Madaxtooyada. Su’aasha weyni waa yaa ku guuleysan doona?
Inkasta oo ay adag tahay in la saadaaliyo, haddana anigu waxa aan saadaalinyaa in Hillary Clinton ay ku guuleysan doonto. Taas oo ka dhigi doonta gabadhii ugu horeysay ee Aqalka-Cad ee Maraykanka nasiib u yeelata. Sababta aan ugu saadaaliyey waa in ay ka faa’iideysan karto jileeca weyn ee ka muuqda Xisbiga Jamhuuriga oo ilaa iyo hadda murashaxiisa la garan laayahay. Dhanka kale waa in dadku ay aad uga daaleen dagaaladda cabsida badan abuuray ee Maraykan. Sidaas oo ay tahay hadda na la iskama indha tiri karo in Hillary ay aad u diyaarsan tahay oo ay ka faa’iideysaneyso qaladaadkii hore ee ay gashey markii ay tartanka kula jirtey Barrack Obama.
Midawga Yurub
Siyaasadda midawga Yurub waxa ugu mudan in dalka UK uu ka sii mid ahaan doono midawga Yurub. Isaga oo David Cameron aan wax badan ku doorsan ka sii mid ahaanshiyahaa. Waxa kale oo aan raadkeedu tirtirmeyn cabsida laga qabo qarax iyo dilal xagjir ah oo ka dhaca Yurub. Dhinaca arrimaha dibbedda waxa sii socon doona duqaymaha ay ku hayaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Wax natiijo ah oo balaadhan lagama gaadhi doona siyaasadda cakiran ee dhextaala Ruushka iyo Reer Yurub. Waxa dalka Jarmalka ka dhici doona is-baddel siyaasi ah oo ku iman doona Angela Merkel oo ah Ra’isal Wasaaraha Jarmalka.
inkasta oo doorashadu aaney sannadkan ahayn haddana waxa laga rajo dhigi doonaa iyada iyo Xisbigeeda CDU sannadka 2016. Kaas oo kalifi doona in aaney soo laaban 2017, waxa galaafan doona qaxoontiga tirada badan ee dalka Jarmalka ku soo qulqulaya oo la tuhunsan yahay inay iyada masuul ka tahay. Arinta se cajaa’ibka ahi waxa ay tahay in ay suurto-gasho in ka hor inta aan doorashada ba la gaadhin ay iska casisho kursiga. Siday doonta ba ha u dhacdo eh, Angela Merkel waxa ay dib ugu soo noqon doontaa saaxadda siyaasadda caalamka gaar ahaan Midawga Yurub ama Qaramada Midoobay. Dhanka dalka UK Xisbiga Labour ka waxa horjooga u sii ahaan doona Jeremy Corbyn oo ah nin aad Xisbigu iskugu khilaafsan yahay. Hadda na waxa hubaal ah in uu sii haysan doono kalsoonida coddadka intooda badan.
Ruushka iyo Turkiga
Ruushka siyasaddiisu waa ay sii cakirnaan doontaa, inkasta oo aan laga ga guulleysan doonin Suuriya iyo Yukrayn. Waxa hoos u dhici doona taageerada Vladimir Putin, wallow uu dib u soo laaban doono 2018 haddii uu u baahdo. Collaadda cusub ee u dhexaysa Ruushka iyo Turkigu waa ay sii taagnaan doontaa, waxa aan saadaalinayaa in xaaladda cakiran ee hadda aaney sida tan sii ahaan doonin. Baahida badan ee labada dal isku qabaan ayaa keeni doonta in aan xaalku halka kan ka sii durkin. Laakiin gasariirnimada Putin ma aha mid tanaasul muujin doonta, xataa haddii baahidiisu sii korodho dhaqaalaha oo hoos u dhac ku yimi awgeed.
Dalka Turkigu waxa uu gali doonaa siyaasad cakiran oo kacdoon badan wadata. Hase yeeshee marnaba is baddel weyn oo siyaasi ahi ku iman maayo, kaas oo kalifi kara in doorasho degdeg ah la qabto oo xilligeedii ka soo hormarta. Waxa kale oo culays balaadhani ka soo food saari doonaa in sannadkani Turkiga ku noqon doono sannad dalxiisku hoos usii dhaco xaaladda Ruushka iyo Suuriya awgeed. Dhinaca kale waxa uu Turkigu iskaashi Milateri la sameyn doonaa dalka Sucuudi Careebiya, waxa na ay si toos ah oo badheedh ah markii u horeysay ay iskaga kaashan doonaan dhinacyada hawl-galada mihiimka ah iyo xogta sirdoonka Bariga Dhexe.
Qaaradda Eeshiya
Eeshiya siyaasaddeedu waxa ay noqon doontaa mid baaxaa-degta oo aan fadhiyin. Saameynta Shiinuhu waa ay kordhi doontaa. Tusaale ahaan, qaaradda Afrika iyo gudaha Eeshiya dhinacyada dhaqaalaha, gaar ahaan ka faa’iideysiga khayraadka iyo u iib-geynta alaabaadka ganacsiga ah. Waxa cakirnaanshiyo gali doonta khilaafka xudduudaha marinka ah ee uu la leeyahay dalalka Filibiin iyo Jabaan. Waxa la filayaa uu sii kordhin doonaa saadka qalabka ciidanka, isaga oo miisaaniyadda kor u qaadi doona. Waxa uu aad u maal-galin doonaa dalka Simbaabwi oo xidhiidh dhaw uu la yeelan doono. Dalka Suuriya waxa sii joogi doona Bashaarul Assad oo taageero toos ah ka sii heli doona dalka Ruushka, halka uu mid dadban na ka heli doono Iiraan.
Miisaanka siyaasiga ah ee Sucuudigu waxa uu u dhici doonaa hoos, kaalintiisa na waxa si toos ah u gali doonta Iiraan. Israa’iil wax badani iska baddeli maayaan, jawi ahaana waxa ay ku jiri doontaa collaad naf la xarbi ah oo ka haysata Falastiin. Laakiin waxa ay ku filnaan doontaa difaaceeda oo aaney Carabi wakhtigan u jilib dhigi karin. Yemen dagaalkeedu waa uu sii socon doonaa, Sucuudigu na sidaa ayuu cadaw ugu sii arki doonaa iyo marin ku furmi doona haddii uu fursad u siiyo Iiraan in ay taageerto Xuutiyiinta. Hindiya siyaasad ahaan way deganaan doontaa tirada dadkeedu na waa ay sii kordhi doonaan. Filashada ah in Shiinaha ay dhaafi doonaan 2022 waxa ka hor iman doona furista sharciga dhalmada Shiinaha oo laga dhigay in waalidku halkii cunug ay ku kordhisan karaan mid labaad.
Afrika
Afrika kali-talisnimadu waa ay ku sii badan doontaa, wadamada collaadduhu ka taagan yihiin waxa wehelin doona kuwa kale oo ku soo biira. Ismaaciil Cumar Geelle waa uu ku soo noqon doonaa Kursiga, intaa waxa raaci doona rabshado balaadhan oo dhimasho geysta. Itoobiya dareenka Oromadu ma noqon doono mid damma, waxa se suurto-gal ah in dawladdu fahamto sida loo dambabasi doono. Waxa awoodda siinaya iyada oo aan Reer Galbeed marnaba oggolaan doonin in jabhad dumisa xukunka qabsato iyo waayo aragnimada ilaa iyo qarnigii laba iyo tobnaad ee gumaysiga la qabatimey. Dalka Yugandha waxa soo laaban doona Yuweeri Mosofani. Nayjeeriya Boko-Xaaraam kama takhaluusi doonaan. Musuqmaasuqu na waxa uu sii ku jiri doonaa kaalintiisii.
Cudurka Ebola sannadkan hadal hayntiisa la maqli maayo. Koonfurta Suudaan heshiis aan lugo adag ku taagneyn ayaa ka hir-gali doona. Sudaan way sii qasnaan doontaa gaar ahaan Daafuur, halka Masar na ay sideedaa iska sii ahaan doonto, Liibiya kama soo rayn doonto waxa na ay ku sii jiri doontaa ku meel-gaadhnimo. Waxa intaa dheer Afrikada Dhexe oo sidaa la isku sii eryan doono, Burundi na xasilimayso. Arrimaha Soomaaliya marka aan dul istaago, Muqdisho collaadda hadda ay ku jirto tu ka sii balaadhan galimayso, nabad-galyo iyo dawladnimo se ka hanaqaadi mayso. Xasan Sheekh soo laaban maayo, waxa na lagu soo noqon doonaa 4.5 xulis ah oo noqonaya halkii laga dhaqaaqey 16 sanno ka hor. Al-Shabaab laga adkaan maayo, dilka Muqdisho ka dhacaana istaagi maayo, adduunyadduna taageerada kala noqon mayso.
Wadahadalada Soomaalilaand iyo Soomaaliya dib ayey u bilaabmi doonaan sannadka 2016, waxa na ay ka duwaan doonaan kuwii hore ee la soo maray. Somaliland dhaqaale ahaan wax yar ayey kobci doontaa, sicir bararka iyo xatooyadda hantida qaranku na waa ay sii badan doonaan. Miisaaniyadda korodh aan aad u badneyn ayaa ku iman doona, laakiin horumarka kaabayaasha dhaqaalaha saameyn kuma yeelan doono, Xisbiyada qaranku waxa ay isku diyaarin doonaan doorasho, Jamaal iyo Faysal na sidaa ayey iskaga daba lulan doonaan. Xisbiga Waddani waa uu xoog badnaan doonaa waxa na uu sannadka 2016 u eekaan doonaa mid si weyn ugu diyaar garoobay doorashada. Halka uu UCID hoos u sii socon doono, KULMIYE na waxa uu si waayo aragnimo leh u gali doonaa gorgortan siyaasaddeed oo deegaamaysan. Sannadkani waxa uu noqon doonaa mid rajadii liicaysay ee Reer Galbeed kor u soo qaada, Eeshiyana quusta ka ilaaliya, Halka Afrika iyo Koonfurta Maraykan ay sidoodii hore iska ahaan doonaan. Wa Bilaahi Tawfiiq.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.